Manchester United Oo Iska Iibineysa Juan Mata Xilli Jose Mourinho Uu Goor Hore Eegtay Badalkiisa.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Apr 20, 2017

Manchester United ayaa isku diyaarineysa iney iska iibiso kubad sameeyaha reer Spain Juan Mata kaas oo waqti wacan ku heysta garoonka Old Trafford xiligaan.

Metro waxey daabaceysaa in Jose Mourinho uu doonao in Juan Manuel Mata uu siibo maaliyadda Red Devils isla markaana uu ku biiro kooxaha doonaya iyadoo macalinka reer Portugal uu goor hore eegtay badalka xidiga reer Spain.

Xidigii hore Chelsea ayaa saameyn fiican ku leh xili ciyaareedkaan kooxdiisa madama uu 38-jeer kasoo muuqday dhamaan tartamada oo dhan isagoo ka qeyb qaatay 16-gool oo muhiim ah.

Si kastaba Anderson Talisca ayuu eegtay Jose Mourinho kaas oo haatan ka tirsan kooxda Besiktas ee dalka turkiga wuxuuna doonayaa inuu heshiiska uu xidigaan ku helayo xitaa ka qeyb galiyo Juan Mata oo xiiso ka helaya kooxda turkiga ah.

Anderson Talisca amaah ayuu ku joogaa Besiktas, balse kooxda ka dhisan Istanbul waxey heysataa dooq ay 21 Malyan oo Pound kula saxiixato ka hor inta aysan ka iibin Manchester United.

Sida ay ku warameyso Super Deporte, wakiilka Jose Mourinho ahna wakiilka ciyaartoy badan oo ka xamaalata qaaradda yurub Jorge Mendes ayaa lugaha kula jira arintaan isagaana doonaya inuu dhameeyo wax walba oo ku saabsan heshiiska Talisca.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments