Manchester United Oo 70 Malyan oo Euro Ku Bixineysa Saxiixa Daafaca PSG Marquinhos & Wakiilkiisa Oo Hadlay.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Apr 21, 2017

Manchester United ayaa diyaar u ah iney miiska saarto aduun dhan 70 Malyan oo Euro si ay u hesho daafaca da’da yar ee Paris Saint Germain Marquinhos si ay ugu xoojiso kooxdeeda ololaha 2017/2018.

Sida la fahansan yahay kooxda ka dhisan magaalada Paris diyaar uma ahan iney iibiso xidigaheeda ugu muhiimsan xitaa hadii miiska loo saaro aduun dhan 100 Malyan oo Euro.

Jose Mourinho ayaa isku dayaya inuu sanadii siiyo 10 Malyn oo Euro si uu daafacaa uga qeyb galiyo ololaha uu ku doonayo inuu xili ciyaareedka soo aadan ugu tartamo hanashada horyaalka Premier League.

Smalling iyo Jones ayaa dhibaatooyin dhaawac ka bixi la’ tan iyo markii uu Jose soo gaaray Old Trafford, sidoo kale Daley Blind looma maleynayo inuu boos ka heli karo United.

Marcos Rojo iyo Eric Bailly ayaa u muuqda kuwa uu si buuxda u aaminay Jose Mourinho, balse meesha kama saareyso qorshaha uu Jose ku xoojinayo kooxdiisa.

Shabakadda caalamiga ah ee Goal ayaa fahansan in United aysan wali dalab rasmi ah miiska u saarin PSG, balse ay xiiseyneyso xidigii hore As Roma.

22-jirkaan wuxuu doonayaa inuu ka mid noqdo xidigaha ugu mushaarka badan kooxdiisa inkastoo xagaagii lasoo dhaafay ay burbureen wadahadalo heshiis kordhin ah inkastoo laba sano uu kaga haray qandaraaskiisa kooxda.

“Muhiimaddu maahan hadda lacag, arintu waa inuu noqdaa mid ka mid ah kuwa ugu fiican ciyaartoyda kooxda” Ayuu yiri Marcos Barros oo ah wakiilka xidigaan sidoo kalana ah aabaha dhalay daafacaan.

“PSG waa iney tusto inuu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan kooxda”

Si kastaba daafacaan tayada wanaagsan ee 17-ka jeer kasoo muuqday qaranka Brazil, ayaa ku haminaya inuu noqdo daafaca ugu wanaagsan dunida.