“Manchester United Ma Lahan Awood Ku Filan Oo Ay Afarta Sare Ugu Dhameysan Karaan” Sidaa Waxaa Qaba Harry Redknapp

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Dec 2, 2016

Manchester United uma muuqato koox awood u leh iney ku dhameysato afarta ugu sareysa sida uu qabo tababarahii h--e Tottenham Hotspur Harry Redknapp.

Red Devils ayaa jahawareer ka bixi la’ isla markaana ku guuldareysatay iney saldhigato tan iyo markii uu Sir Alex Ferguson isaga fariistay kubadda cagta 2013, waxeyna ku fashilmeen mudadaas iney tartan buuxa u galaan horyaalka Ingiriiska.

Kadib shaqo ka ceyrintii Louis Van Gaal, waxaa kooxda soo caga dhigtay Jose Mourinho kaas oo la aaminsanaa inuu kooxda kusoo celin karo wadada guulaha, balse ma jirto waxqabad muuqda iyo hormar ay kooxda sameysay mudada yar oo uu joogo marka laga reebo inuu saxiixyo waaweyn sameeyay.

'Man Utd not good enough for top four finish'

Red Devils ayaa tiigsatay Semi Finalka tartanka EFL Cup-ka markii ay 4-1 kaga adkaadeen West Ham ciyaar ka dhacday Old Trafford habeenkii Arbacada, sidoo kalana waxey qarka u saaran yahiin iney gaaraan wareegan 16-ka tartanka Europa League.

Si kastaba Harry Redknapp ayaa aaminsan in kooxda United ee haatan u muuqata aysan aheyn mid awood leh marka laga reebo iney isbadal dhaqso ah sameyso.

“Manchester United ma lahan awood ku filan waqtigaan, waxaan arkaa koox aan sinaba ugu riyaaqin” Ayuu yiri Harry Redknapp oo la hadlayay Betsafe.

“Man United waxey sameyn kartaa wax fiican si ay afarta sare ugu dhameysato”

“Balse uma maleynayo in tayadaan ay afarta sare ku dhameysan karaan, waxey ku dhameysan karaan lixda ugu sareysa” ayuu mar kale yiri Harry.

Ugu dambeyntii macalinkii h--e Spurs ayaa qaba in United ay heysato fursad ay dib ugu soo dhalato, balse sida haatan ka muuqata aysan aheyn koox tayo ku filan leh.

Like it? Share it!

Leave A Response