Manchester City Oo Guul Ku Furtay Xili Ciyaareedka Cusub, Augero Oo Shabaqa Soo Taabtay Iyo Sky Blues Oo Xili Danbe Jabisay Iska Caabin Ay Kala Kulantay Brighton.

by Mohamoud Batalaale | Saturday, Aug 12, 2017

Kooxda Manchester City ayaa guul ku furatay xili ciyaareedka cusub ee Premier leaque inkasta oo ay waqti dheer ku qaadatay in ay jabiso iska caabin xoogan oo ay kala kulantay kooxda heerka labaad ka soo baxday ee Brighton. Sergio Aguero ayaa iyada oo Sky Blues culays badan dareemaysa u dhaliyay goolka furitaanka laakiin daqiiqado kadib xidiga kooxda Brighton ee Lewis Dunk ayaa si qalad ah shabaqa kooxdiisa ugu leexiyay kubbad ay City goolka labaad ee kalsoonida ku heshay.

Manchester City ayaa ka mid noqotay kooxaha guulaha ku furtay xili ciyaareedka cusub ee min saddexda dhibcood ka helay kulamadii ugu horeeyay laakiin Manchester City ayaan wali muujin awoodii ciyaareed ee laga filayay inkasta oo ay xili hore tahay.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Brighton & Hove Albion XI (4-4-1-1): Ryan; Bruno, Dunk, Duffy, Suttner; Brown, Stephens, Propper, March; Gross; Hemed.

Kaydka:Maenpaa, Hunemeier, Rosenior, Sidwell, Murphy, Knockaert, Murray.

Manchester City XI (3-5-2): Ederson; Stones, Kompany, Otamendi; Walker, De Bruyne, Fernandinho, David Silva, Danilo; Gabriel Jesus, Aguero.

Kaydka:Bravo, Mangala, Foden, Toure, Bernardo Silva, Sterling, Sane.

Qaybtii hore ee kulankan kooxda martida loo ahaa ee Brighton ayaa ku guulaysatay in ay si cajiib ah iskaga difaacday weerarka Manchester City ee ay hogaaminayeen Sergio Aguero iyo Gabriel Jesus waxayna Guardiola iyo kooxdiisa ku qabsbeen in ay fursado fiican lumiyaan isla markaana ayna qaybtii hore ee kulankan wax goolal ah dhalin.

Manchester City ayaa la filayay in ay cagta marinayso kooxda Brighton laakiin iska caabinta difaacashada adag u badnayd ee ay kooxdani qabtay ayaa Guardiola iyo kooxdiisa Man City ku qasabtay in ay qaybtii hore ee kulankan garoonka kaga baxaan barbaro gool la’aan ah.

Laakiin qaybtii danbe ee kulankan Manchester City ayaa awoodeeda iskugu gaysay sidii ay ku jabin lahayd iska caabinta xoogan ee ay la soo baxday Brighton waxayna wali qaytii danbe ee ciyaartu waqti badan sii ahayd barbaro gool la’aan ah.

DAQIIQADII 70 AAD Manchester City ayaa ugu danbayn heshay goolkeeda furitaanka ee ay ku qalbi jabisay kooxda halka dhibic u dagaalamaysay ee Brighton waxaana goolkan City u dhaliyay Sergio Aguero oo si fiican uga faa’iideeyay kubbad caawin uu ka helay David Silva, waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Sky Blues ugu danbayn hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

DAQIIQADII 75 aad Manchester City ayaa si sahlan ku heshay goolkeeda labaad waxaana hadiyad ahaan u bixiyay Lewis Dunk kaas oo shabaqa kooxdiisa si qalad ah ugu leexiyay kubad uu Fernandinho soo tuuray waxayna daqiiqado gudahood ciyaartu ku noqotay 2-0 ay kooxda Guardiola kaga takhalustay iska caabintii Brighton.

Guardiola ayaa intaa kadib kaydka uga yeehday saxiixa cusub ee Bernardo Silva iyo Raheem Sterling wuxuuna ciyaarta badal kaga saaray Sergio Aguero iyo Gabriel Jesus waxayna markan Sky Blues isku hubsatay saddexda dhibcood iyada oo Brighton ay shaqadeeda ugu muhiiimsani ahayd in ay difaacato kaas oo ay ugu danbayn ku fashilantay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay Manchester City guul kaga soo gaadhay kooxda heerka labaad ka soo baxday ee Brighton iyada oo Sky Blues ku biiray kooxaha kulamadii furitaanka guulaystay ee min saddexda dhibcood soo xaraystay.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments