Man United Oo Suuqa Bisha January Diyaar U Ah In Ay Dhegaysato Dalabyada lagu Doonayo 10 Ciyaartoy Oo Kooxdeeda Kowaad Ka Mid Ah, Anthony Martial, Memphis Depay Iyo Ashley Young Oo Ka Mid Ah

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Nov 30, 2016

Manchester United ayaa suuqa bisha January diyaar u ah in ay dhegaysato dalabyada lagu doonayo 10 ciyaartoy ee kooxdeeda kowaad ka mid ah iyada oo taas badalkeeda doonaysa in Mourinho uu suuqa kala soo wareego ciyaartoy shaxdiisa ku haboon isla markaana kooxda ka saari karta xaalada aan fiicnayn ee ay ku jirto.

Tababare Jose Mourinho ayaa suuqii xagaagii dhawaa 150 milyan oo gini ku kharash gareeyay saddex ciyaartoy oo kaliya oo kala ahaa Eric Bailly, Henrikh Mkhitaryan iyo Paul Pogba halka Zlatan Ibrahimovic uu si xor ah kula soo wareegtay taas oo keentay in uu Old Traffrod ku haysto 27 ciyaartoy wuxuuna si cad h--e ugu sheegay in uu doonayo ku shaqaynta 22 ciyaartoy balse wuxuu doonayaa in 10 ka mid ah kooxdiisa hadda ay kooxda ka bixi karaan.mourinho

Sida uu ku waramay wargayska Manchester Evening News, kooxda Man United ayaa diyaar u ah in ay suuqa bisha January iska iibiso 10 ciyaartoy oo ay ka mid yihiin Memphis Depay, Morgan Schneiderlin, Matteo Darmian, Marcos Rojo, Ashley Young iyo Sam Johnstone.

1

Waxa kale oo liiska Old Traffrod ka bixi kara ka mid ah Daley Blind, Marouane Fellaini iyo gool dhaliyaha ay xili ciyaareedkan xaaladu ku xun tahay ee Anthony Martial. Ciyaartoyga tobnaad ayaa ah mid ay boqolkiiba boqol hubaal u dhaw dahay in uu January bixi doono waana Bastian Schweinsteiger oo aan haddaba saamayn ku lahayn kooxda Mourinho.united

Laakiin tababare Jose Mourinho ayaan doonayn in ciyaartoydani ay ku biirto kooxaha Premier Leaque-ga iyada oo kooxaha Everton iyo Tottenham ay ka mid yihiin kooxaha xiisaynaya qaar ka mid ah xidigaha aan waqti fiican ku haysan Man United wuxuuna macalinka ree Portugal doonayaa in xidigaha ka baxaya Old Traffrod ay horyaalada kale ku biiraan.

Like it? Share it!

Leave A Response