Man United Oo Si Layaab Leh U Dooneysa Iney Liverpool Uga Afduubato Saxiixa Burburiyaha RB Leipzing Naby Keita.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Jul 18, 2017

Manchester United ayaa si layaab leh ugu dhaqaaqday soo xerogalinta burburiyaha kooxda RB Leipzig iyo xulka qaranka Guinea Naby Keita kaas oo bartilmaameedka koowaad u ah Liverpool sida ay qoreen warbaahinta Ingiriiska.

Football Whispers oo ah shabakad wax ka qorta nux-nuxleynta suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bah wadaagna la ah Sky Sports ayaa si layaab leh u qortay in Manchester United ay ku jirto tartanka loogu jiro saxiixa Naby Keita kaas oo 22-jir ah.

Liverpool ayaa dhawr jeer isku dayday iney lasoo saxiixato wiilkaan reer Africa balse uma suuragalin iyadoo laga soo diida todobaadyadii dhawaa dala 57 Malyan oo Pound ah waxaana laga dalbaday 70 Malyan oo Pound.

Si kastaba United oo ku guuldareysatay helitaanka burburiye ayaa dooneysa iney Liverpool ku ciriiriso helitaanka Naby Keita walow sidoo kale kooxda Red Devils ay ku raad joogto Eric Dier, Fabinho, Nemanja Matic iyo Radja Nainngolan.

Dhanka kale Jose Mourinho waxaa qorshahiisa ka mid ah inuu keeno xidig burburiye ah oo lagu lamaaniyo Ander Herrera badal buuxana u noqon kara Michael Carrick oo dhawaan loo magacabay kabtanka Manchester United.

Ugu dambeyntiina Jose Mourinho wuxuu qorsheynayaa inuu gabi ahaanba afgambiyo dhigiisa Jurgen Klopp isla markaana uu ka qaato Naby Keita inkastoo uusan aheyn dooqiisa koowaad.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments