Man United Oo Rekoodhkii Guulaha Ee Watford Soo Afjartay, Nemanja Matić Oo Dhamaadkii Ciyaarta Kaadhka Cas Loo Taagay Iyo Red Devils Oo Kalsooni Soo Heshay.

Manchester United ayaa soo afjartay guulihii xidhiidhka ahaa ee Watford waxayna Red Devils noqotay kooxdii ugu horaysay ee Watford saddexda dhibcood ka qaadatay. Mourinho iyo kooxdiisa Man United ayaa soo helay guul muhiim ah iyaga oo hadda u muuqda in ay cadaadiskii badnaa ka soo dhex baxayaan.

Romelu Lukaku iyo Chris Smalling ayaa guushan ku hogaamiiyay Manchester United inkasta oo ilbidhiqsiyadii ugu danbeeyay ee ciyaarta uu kaadhka cas qaatay Nemanja Matić iyada oo laba kaadh oo digniin ah uu ciyaarta ku qaatay.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

MANCHESTER UNITED (4-3-3): David De Gea; Antonio Valencia, Chris Smalling, Victor Lindelof, Ashley Young; Paul Pogba, Marouane Fellaini, Nemanja Matic; Romelu Lukaku, Jesse Lingard, Alexis Sanchez.

Kaydka:  Juan Mata, Fred, Matteo Darmian, Lee Grant, Eric Bailly, Anthony Martial, Scott McTominay.

WATFORD (4-4-2): Ben Foster; Christian Kabasele, Jose Holebas, Craig Cathcart, Daryl Janmaat; Etienne Capoue, Abdoulaye Doucoure, Roberto Pereyra, Will Hughes; Troy Deeney, Andre Gray.

Kaydka:  Adam Masina, Heurelho Gomes, Nathaniel Chalobah, Adrian Mariappa, Isaac Success, Kiko Femenia, Ken Sema.

DAQIIQADII 35 AAD Manchester United ayaa la timid goolkeeda furitaanka ee muhiimada wayn u lahaa waxaana u saxiixay Romelu Lukaku kadib markii Young kubbad laaga xorta ah ka soo tuuray meel 40 yards u jirtay goolka Watford waxaana kubbada soo joojiyay Fellaini ka hor intii aanu saaxiibkiisa ree Belgium ee Lukaku aanu goolkan dhalin, waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay United hogaanka kula wareegtay.

DAQIIQADII 38 AAD Manchester United ayaa niyadjab ku abuurtay kooxdii afarta guulood ee xidhiidhka ah soo gaadhay ee Watford waxaana goolka labaad ee United dhaliyay Chris Smalling kadib markii ay xidigaha Young iyo Fellaini sidii goolkii hore ugu lug lahaadeen.

Young ayaa kubbad koorne ah soo tuuray halka Fellaini uu markale awooday in uu Smalling kubbada u soo joojiyo si uu goolkan ugu dhaliyo kooxdiisa waxayna ciyaartoy noqotay 2-0 ay Manchester United hogaanka ugu dheeraysatay.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay United guul ugu taagnayd waxaana lays waydiinayay haddii kooxda yaabka soo dhigtay ee Watford ay ka soo kabsan karto goolasha ay United qaybtii hore hogaanka ku haysay.

DAQIIQADII 65 AAD Watford ayaa heshay goolkeeda furitaanka ee ay rajadeeda ku soo noolaysay waxaana gool qurux badan u saxiixay Gray kadib markii uu caawin ka helay Doucouré wuxuuna goolkani walwal horleh ku abuuray Man United oo ay ku adkaatay in ay hore u hesho goolka saddexaad ee ay ciyaarta ku dili kartay.

Watford ayaa bilawday in ay raadiso goolka labaad si ay guuldaradii ugu horaysay xili ciyaareedkan ee Premier league iskaga badbaadiso halka Man United ay raadinaysay goolka saddexaad balse ay muhiimada siinaysay in ay natiijada ilaashato.

DAQIIQADII 94 AAD ee dhamaadkii ciyaarta waxaa kaadhka cas loo taagay Nemanja Matić kadib markii uu qaatay kaadhka labaad ee digniinta ah iyada oo Watford wax walba u samaynaysay in ay goolka barbaraha keensato.

Balse Manchester United ayaa awooday in ilbidhiqsiyadii ciyaarta ka hadhsanaa ay ku dhamaysay guusha ay ka soo gaadhay Watford waxayna Red Devils soo awooday in ay guuldaradii ugu horaysay soo dha dhansiisay Watford taas oo la micno ah in Liverpool iyo Chelsea yihiin labada kooxood ee kaliya ee guulo boqolkiiba boqol ah ku sii taagnaan doona.

Manchester United ayay guushani u ahayd mid muhiim ah kadib waqtigii adkaa ee ay Red Devils soo martay waxayna guushani kooxda Mouriho siinaysaa kalsooni badan.