Man United Oo Noqotay Kooxda Kulamada Ugu Badan Barbaro Gashay Xili Ciyaareedkan Dhamaan Shanta Horyaal Ee Yurub Ugu Waa Wayn.

by Mohamoud Batalaale | Thursday, May 18, 2017

Manchester United ayaa xalay barbaro gool la’aan ah kala soo laabtay kooxda Southampton iyada oo waliba in ayna guuldaro soo gaadhin uga mahad celinaysa goolhaye Sergio Romero kaas oo kooxdiisa ka badbaadiyay fursado tiro badan si la mid ah rekoodhe ay Southampton ugu yarana hal gool ku dhalin kartay.

Laakiin Mourinho ayaa loo diwaan galiyay rekoodhka shanta horyaal ee Yurub ugu waa wayn ugu xun ee dhinaca kulamada ay kooxi barbaro soo gashay xili ciyaareedkan. Ma jirto koox ka ciyaarta shanta horyaal ee Yurub ugu waa wayn ee sida joogtada ah xogtooda laysku barbar dhigo oo Manchester United kula mid ah kulamada ay barbarada soo gashay xili ciyaareedkan.

Haddii ay barbaro soo gashay, haddii ay soo guulaysan lahayd iyo waliba haddii ay guuldaro la kulmi lahayd Mourinho ayaa markii horeba ogaa in ay Manchester United kaalinta lixaad ku dhamaysan doonto xili ciyaareedkan. Laakiin in koox u wayn sida Manchester United ay koox kasta oo shanta horyaal ee Yurub ugu waa wayn kaga hoosayso kulamada ay barbaro gashay ayaa ah sheeko cusub oo uu Mourinho la yimid.

Re Devils ayaa xalay gashay barbarihii 15 aad ee xili ciyaareedkan waxaana ku soo xiga kooxaha Torino oo Talyaaniga ah oo 14 kulan barbaro soo gashay xili ciyaareedkan si la mid ah kooxaha ree France ee Saint-Etienne (14) iyo Rennes (14) oo iyaguna kulamadan oo kale barbaro soo galay.

Laakiin waxaa layaableh in kooxda Middlesbrough ee heerka labaad u dhacday ay laba kulan oo kaliya Manchester United kaga hoosayso tirada kulamada ay barbbaraha gashay. sidoo kale kooxaha Bordeaux, Hoffenheim, Toulouse iyo FC Koln ayaa min 13 kulan oo barbaraha ah la wadaaga Middesbrough.

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments