Man United Oo Ku Dalbaneysa Cristiano Ronaldo Lacag Rikoorka Adduunka Noqoneysa Oo Uu La Socdo Goolhaye David de Gea.

by Saed Balaleti | Monday, Jun 19, 2017

Manchester United ayaa sameyn doonta wax walba oo ay ku soo xerogelin karto Cristiano Ronaldo iyagoo ku dalbanaya 175 milyan ginni oo uu la socdo goolhaye David de Gea, sida ay qortay jariirada Daily Mirror.

Kooxda Red Devils ayaa diyaar u ah in De Gea uu qeyb ka noqdo heshiiska rikoorka adduunka ee ay xiddiga reer Portugal dib ugu soo celinayaan garoonka Old Trafford.

Ronaldo ayaa shaqaaqo ka kiciyay Bernabeu ka dib markii uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu isaga tago Spain ka dib markii lagu eedeeyay inuu qiyaameeyay canshuur gaareysa 13 milyan ginni.

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa saxaafada kala hadli doona arintaan maanta oo Isniin ah, halka tababare Zinedine Zidane uu durbaba wacay Ronaldo isagoo fasax ku jira waxaana uu u cadeeyay inuu doonayo inuu sii joogo kooxda.

Inkastoo uu dalabyo ka helayo Shiinaha, Ronaldo ayaa doonaya inuu baaqi ku sii ahaado Yurub, United ayaana saxiixiisa waxa ay kula dagaalameysaa kooxda PSG oo leh awood dhaqaale oo ay ku soo jiidato kabtanka Portugal.

Ronaldo ayaa dhaliyay 55 gool xilli ciyaareedkii la soo dhaafay kulamadii uu u saftay kooxdiisa iyo qarankiisa, waxaana uu Real Madrid ku hogaamiyay horyaalka La Liga iyo koobkoodii seddexaad ee Champions League ee afar xilli ciyaareed gudaheed.

United ayaa sidoo kale dooneysa inay Real Madrid kala soo wareegto Alvaro Morata,laakiin waxaa la aaminsan yahay inay u ceyrsan doonaan xiddiga reer Spain si ka gooni ah heshiiska Ronaldo.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments