Man United Oo Isha Ku Haysa Difaaca Wacdaraha Ka Soo Dhigay Koobka Aduunka Ee Harry Maguire Iyo Leicester City Oo Ku Heli Karta Saddex Jibaarka Intii Ay Ku Soo Iibsatay.

Daafaca kooxda Leicester City ee Harry Maguire ayaa xiiso ka helaya kooxda Manchester United iyo tababaraheda Jose Mourinho kuwaas oo u muuqda kuwo la dhacsan qaab ciyaareedka xiddiga ee tartanka koobka aduunka ee ka soconaya dalka Ruushka.

Maguire waxa uu si weyn usoo caawiyay xulka England isaga oo xasiliyay daafaca xulkaasi isla markaana u suurogaliyay inay soo gaadhan afar dhammaadka tartanka walow ugu dambayn ku hadhay sababta xulka Croatia, Harry ayaana sidoo kale gool madax ah oo qurxoon u dhaliyay Three Lions kulankii siddeed dhammaadka ee Sweden ay 2-0 uga adkaadeen.

Haddaba sida laga soo xiganayo shabakada caalamiga ah ee Daily Mail Manchester United ayaa diyaar u ah inay soo xerogaliso daafacii hore ee Hull City haatana u dheela Leicester City, Jose Mourinho ayaa la qabaa inuu dib u habayn weyn ku samayn doono daafaciisa dhexe iyada oo u shaki ku jiro mustaqbalka kuwo badan oo kamid ah daafacyada kooxdaas.

Phil Jones, Chris Smalling iyo Daley Blind oo aan bandhig wacan oo joogto ah kusoo bandhigin kooxda ayaa la filayaa inay dhammaantood qaado seefta Special One halka uu sidoo kale amaah ku bixin doono da’yarka kooxda ee Victor Lindelof oo xiiso ka helaya kooxdiisii hore ee SL Benfica.

Waxa kale oo xusid mudan in kooxda uu xiddigani ka tirsan yahay haatan ee Leicester aysan si dhayal ah ku fasixi doonin daafaceeda iyadoo isku dayi doonta inay ka faa’idaysato kooxaha badan ee ku raad jooga xiddigan iyo bandhiga wacan ee uu kalasoo muuqday dalka Ruushka waxaana ay ugu yaraan ku fasixi doonaan aduun dhan 50 Milyan.