Man United Oo Guul Ku Furatay Xili Ciyaareedka Cusub Ee Premier league Xili Red Devils Ay Old Trafford Kaga Talaabsatay Leicester City.

Manchester United ayaa guul ku furatay xili ciyaareedka cusub ee Premier league kadib markii ay Old Trafford ku garaacday kooxda Leicester City. Manchester United ayaa guushan gaadhay xili ay si wayn ugu baahnayd kalsooni buuxda oo ay xili ciyaareedka cusub ku wajihi karto kadib suuqii kala iibsiga iyo erayadii saamaynta badan yeeshay ee uu Mourinho saxaafada marinayay.

Paul Pogba oo kulankan uu Jose Mourinho kabtan u doortay ayaa goolkii ugu horeeyay ee xili ciyaareedka cusub ee Premier league dhaliyay saddexdii daqiiqo ee ugu horeeyay laakiin iyada oo United ka walwalsan in Leicester City ay ciyaarta ku soo laabto ayuu Luka Shaw dhaliyay goolka labaad ee United guusha u xaqiijiyay. Dhamaadkii ciyarta Jamie Vardy ayaa goolka kaliya ee kooxdiisa keenay waqti aanu samayn lahayn.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

MANCHESTER UNITED (4-3-3): David de Gea; Matteo Darmian, Eric Bailly, Victor Lindelof, Luke Shaw; Fred, Andreas Pereira, Paul Pogba; Juan Mata, Marcus Rashford, Alexis Sanchez.

Kaydka:  Romelu Lukaku, Anthony Martial, Chris Smalling, Lee Grant, Ashley Young, Marouane Fellaini, Scott McTominay.

MANCHESTER UNITED (4-3-3): David de Gea; Matteo Darmian, Eric Bailly, Victor Lindelof, Luke Shaw; Fred, Andreas Pereira, Paul Pogba; Juan Mata, Marcus Rashford, Alexis Sanchez.

Kaydka:  Jonny Evans, Jamie Vardy, Marc Albrighton, Danny Ward, Vicente Iborra, Christian Fuchs, Rachid Ghezzal.

Manchester United iyo Leicester City ayaa iskaga hor yimid kulanka furitaanka Premier league ee xili ciyaareedka cusub ee 2018/19 waxayna labada kooxoodba doonayeen in ay natiijo fiican ka helaan kulankan.

DAQIIQADII 2-AAD REKOODHE. Manchester United ayaa isla markiiba lagu abaal mariyay rekoodhihii ugu horeeyay ee xili ciyaareedka cusub ee Premier league kadib markii xidiga Leicester City ee Amartey lagu ciqaabay in kubbadu ay gacanta kaga dhacday.

DAQIIQADII 3-AAD Paul Pogba oo ahaa kabtanka kulankan ee Manchester United ayaa kubbada qaatay wuxuuna ku dhaliyay goolka furitaanka Premier league ee xili ciyaareedka cusub si uu kooxdiisa Manchester United u siiyo fursadii ugu fiicnayd ee ay ciyaarta ka doonaysay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Man United hogaanka kula wareegtay.

Qaybtii hore ee ciyaarta Leicester City ayaa culays badan saartay Manchester United iyada oo Foxes si buuxda awooda u saartay in ay keensato goolka barbaraha laakiin Jose Mourinho iyo tatikadiisa difaacasho ayaa saamayn ku yeelatay weerarka Leicester City.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay Man United hogaanka ku haysay balse ay Liecester City ku horaysay kubbad haynta iyo boosishanka ciyaarta waxayna Foxes awoodi wayday in ay qaybtii hore soo laabto.

Qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa noqotay mid si xoogan loogu dagaalamay iyada oo ujeedada Man United ahayd in ay ugu yaraan ilaashato natiijada ay guusha ugu taagnayd ama ay goolal kale raadiso laakiin Leicester ayaa wali doonaysay qaabkii ay David De Gea ku dhaafi lahayd.

Ciyaarta ayaa noqotay mid sii adkaatay laakiin waxay Leicester City ku fashilantay in ay fursado ay heshay ka faa’iidaysato taas oo Man United siisay fursad ay ugu dagaalantay in ay la timaado goolka labaad ee ay ciyaarta ku dishay.

DAQIIQADII 83 AAD Manchester United oo ka walwalsan in Leicester City ay hal fursad goolka barbaraha ku keensato ayuu Luka Shaw u xaqiijiyay guushan kadib markii uu dhaliyay goolka labaad ee Red Devils isaga oo caawin ka helay Juan Mata waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay United ciyaarta ku dishay.

Leicester City ayaa dhamaadkii ciyaarta kensatay goolka ay xaalad culus Man United ugu abuuri kartay intii ka horaysay daqiiqadii 83 aad waxaana goolkan aan saamaynta yeelan dhalyay Jamie Vardy. Ugu dabayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1 ay Manchester United ku garaacday Leicester isla markaana ay guul muhiim ah ugu furatay xili ciyaareedka cusub ee Premier league.

3 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Beenta joojiya Laacib adinka iyo Goal24 waa iska soo qaadateen qoralka, laacib adinka soo qaatay, 2-1 ayeena ciyaartu ku dhamaatay 2-0 mahan

Comments are closed.