Man United Oo Guul Adag Ka Gaartay Real Salt Lake Xilli Romelu Lukaku Uu Dhaliyay Goolkiisii Ugu Horeysay Ee Red Devils

by Saed Balaleti | Tuesday, Jul 18, 2017

Antonio Valencia ayaa casaan toos ah loo taagay iyadoo Manchester United ay u dagaalantay guul kulankii labaad ee booqashada ay ku marayaan dalka Mareykanka. Red Devils ayaa 2-1 kaga badisay kooxda Real Salt Lake iyadoo Romelu Lukaku uu dhaliyay goolkii ugu horeysay ee kooxdiisa cusub.

Valencia oo xirnaa calaamada kabtanka kana mid ahaa 11kii bedelka lagu soo geliyay qeybtii labaad ayaa qalad ku galay xiddiga Real Salt Lake Sebastian Saucedo daqiiqadii 67aad.

Garsooraha ayaa u muuqday inuu caalamada digniinta ah siinayo Valencia, laakiin ka dib markii uu sidoo kale la hadlay Jose Mourinho waxa uu go’aansaday inuu daafaca midig tuso casaan toos ah.

Mourinho ayaa aad uga carooday go’aanka laakiin marka uu dib u eego qaladka uu sameeyay Valencia oo aan isku dayin xitaa inuu kubada taabto ma qabi doono wax cabasho ah.

Man United ayaa goolka looga hormaray daqiiqadii 23aad laakiin waxa ay kaga jawaab celiyeen gool uu dhaliyay Henrikh Mkhitaryan iyo goolka uu dhaliyay Romelu Lukaku kaasoo ahaa goolkiisii ugu horeysay ee tan iyo markii uu 75 milyan ginni uga soo wareegay Everton.

Kooxda Mourinho oo qeybihii danbe ku ciyaareysay 10 ciyaaryahan ayaa difaacatay guushooda si ay u sii wataan guulaha booqashadooda, iyadoo kulankooda ku xiga midkaan ay Manchester City kula ciyaari doonaan magaalada Houston maalinta Khamiista.

 

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments