Man United Oo Dooneysa Rakitic, Milan Oo Isha Ku Heysa Ceballos & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa kala Iibsiga Ciyaartoyda.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Oct 12, 2017

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad joogtaan ku soo dhawaada barnaamijkeena maalinlaha ah ee aan idin kula socodsiino wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ay qoreen wargeysyada Ingariiska ka soo baxa.

Waxaa dhawaan soo xirmay suuqii kala iibsiga xagaaga, laakiin taasi kama joojineyso kooxaha iyo warbaahinta inay ka hadlaan ciyaartoy diirada saaran ee laga yaabo in lala wareego bisha Janaayo marka uu suuqa dib u furmo. Xaqiiqda wararkaan mas’uul kama ah laacib, waxaana xuquuqdooda iska leh wargeysyada ku hor qoran.


Manchester United ayaa diyaar u ah iney Barcelona ku wareejiso Anthony Martial si ay kaga hesho Ivan Rakitic. (Diario Gol)

Jose Mourinho ayaa qarka u saaran inuu Manchester United u saxiixo heshiis shan sano oo ku kacaya aduun dhan 65 Malyan oo Pound. (The Sun)

Real Madrid ayaa diyaarineysa iney midkood Gareth Bale, Luka Modric iyo Karim Benzma ku wareejiso Spurs si ay kaga hesho Harry Kane. (Diario Gol)

Juventus ayaa quuldareyneysa iney lasoo saxiixato weeraryahanka Arsenal Olivier Giroud marka uu dhamaado xilli ciyaareedkaan. (Calciomercato)

Ac Milan ayaa dooneysa iney lasoo saxiixato xidiga cusub ee Real Madrid Dani Ceballos si ay ugu xoojiso khadka dhexe. (Sport)

Manchester United ayaa si tijaabo ah u heli doonta xidiga khadka dhexe Alvaro Garcia kaas oo ka tirsan kooxda heerka labaad ee La Liga ka ciyaarta (Cadiz). (Grada 3)

Daafaca bidix ee Tottenham Hotspur Danny Rose ayaa doonaya inuu ku biiro Man United marka uu dhamaado xilli ciyaareedkaan. (Daily Star)

Real Madrid ayaa diyaar u ah iney 100 Malyan oo Euro ku iibiso Gareth Bale & Man United oo il gaar ah ku heysa. (El Confidential)

Madaxa fulinta Barcelona Osar Grau ayaa xaqiijiyay in kooxdiisa ay isku diyaarineyso iney lasoo saxiixato Philippe Coutinho kaas oo 25-jir ah. (Guardian)

Manchester United xidigeeda Juan Mata ayaa iska diiday inuu u guuro horyaalka Chinese Super League intii lagu jiray suuqa xagaagii dhamaaday. (Mirror)

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments