Man United Oo Dalab Ka Gudbisay Difaac Napoli Ka Tirsan Iyo Xidigan Oo Dalbaday Mushaarka Uu United Ka Qaadan Karo.

Manchester United ayaa suuqii xagaagii soo xidhmay ku fashilantay taas oo cadho iyo walaac wayn ku abuurtay Jose Mourinho waxayna xaaladii murankii suuqu saamayn ku yeelatay qaabkii ay United kaga bilaabtay xili ciyaareedkan balse hadda maamulka Old Trafford ayaa u muuqda in ay xili horeba suuqa sii galayaan.

Manchester United ayaa dalab 40 milyan gini ah u gudbisay kooxda Napoli waxayna ka doonaysaa difaaca Faouzi Ghoulam sida lagu shaaciyay  Radio Kiss Kiss  iyada oo United doonaysa in ay waqti horeba bartilmaameedyo suuqa ah sii hesho inta aanu furmin suuqa soo aadan ee January.

Waxa kale oo warbixintan lagu xusay in difaaca Napoli ee Faouzi Ghoulam u dalbaday mushaar dhan £101,000 kun oo gini usbuucii haddii la doonayo inuu ku biiro Manchester United waxayna Red Devils doonaysaa in ay Napoli ku qanciso dalabka 40ka milyan gini ah.

Laakiin wararka ayaa sheegaya in maamulka kooxda Napoli ay haddaba soo diideen dalabka 40ka milyan gini ah ee ay Manchester United ka gudbisay Faouzi Ghoulam iyaga oo u arka in aanu ahayn dalab u qalma xidiga ay United doonayso.

Dhinaca kale Manchester United ayaa xidhiidh la samaysay tababaraha kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri si uu uga mid noqdo tababarayaasha badali kara Jose Mourinho haddii ay shaqada ka caydhiyaan waxaana warkan lagu sheegay Calciomercato.

Jose Mourinho ayaan wali booskiisa Old Trafford badqab ka dhigin inkasta oo ay Newcastle United guul soo laabasho cajiib ah ka gaadheen waxaana la filayaa in maamulka Man United ay shaqada ka joojin karaan Mourinho haddii ayna xaalada kooxdu isbadal buuxa samayn.