Man United Iyo Inter Milan Oo Isugu Been Guuraya Martial Iyo Perisic

Rejadii Martial ee uu uga baxsan lahaa United wey dhammaaday xilli meesha laga saaray in uu amaah kuaado Inter Milan.

Inter Milan ayaa isha ku haysay Martial in ay bisha Janaayo amaah ku qaadato walow ay haysato weeraryahanka Senegal Keita Balde oo isna amaah ugu joogay balse ay £26.6million si rasmi ah ugu iibsan karto.

Laakiin United waxa ay Inter u sheegtay in ay Ivan Perisic qeyb heshiiska uga dhigeen haddii ay doonayaan Martial.

Inter durba wey ka hoos martay kooxaha horyaalka hoggaaminaya sida Juventus markaa wey u baahan tahay weeraryahankeeda.

In ay u ogolaato Perisc in uu tago ma aha qorshaha Inter gaar ahaa xilli uu goolal muhiim ah u dhaliyeyxilli ciyaareedkan Serie A-ga.

Dhinaca kale sida ay warisay PeopleSport, Martial waxa uu doonayaa sidii uu boos uga heli lahaa 11-ka kowaad ee Manchester United.

Mas’uuliyiinta Manchester United waxaa iyaga ka go’an in ay in ay sii haystaan Martial oo aysan fasixin.

Walow ay is hayaan Mourinho laacibka reer France, hadana ma ogolaan doono in Martial uu baxo isaga oo aan la helin bedel kiisa Perisic.

Hase ahaatee, taasi in ay dheceyso uma muuqato maadama Woodward diyaar u ahayn in uu iibiyo Martial.

2 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Wxaan leenay manu united haa hainaga faasixina ilaayo badelkiisa heshaan wadinkaa

  2. Site kan ma Man United ayuu u gaar yahay anigu yaabaye!!

    war aan united ahayn ma haysaan waliba shaqadiina subaxii waa mid fadhiid ah

Comments are closed.