Man United 4-1 West Ham: Mourinho Iyo Kooxdiisa Red Devils Oo Iska Xaadiryay Afar Dhamaadka Leaque Cupka Iyada Oo Anthony Martial Iyo Ibrahimovic Ay Min Laba Gool Iskugu Faaneen

by Mohamoud Batalaale | Thursday, Dec 1, 2016

Manchester United ayaa dhinac iskaga dhigtay kooxda West Ham United waxayna u soo baxday afar dhamaadka tartanka EFL Cupka kadib markii ay 3:1 ku dubatay Hammers oo qaybtii h--e ee kulankan iska caabin kala hortimid.Anthony Martial iyo Zlatan Ibrahimovic ayaa kulankan min laba goolka dhaliyay si ay kooxdooda ugu soo saaraan afar dhamaadka tartankan.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Manchester United XI (4-2-3-1): De Gea; Valencia, Jones, Rojo, Shaw; Herrera, Carrick; Mkhitaryan, Rooney, Martial; Ibrahimovic.

Kaydka:Romero, Blind, Schweinsteiger, Schneiderlin, Lingard, Mata, Rashford.

West Ham United XI (3-4-3): Adrian; Kouyate, Reid, Ogbonna; Antonio, Fernandes, Obiang, Cresswell; Feghouli, Fletcher, Payet.

Kaydka:Randolph, Masuaku, Collins, Nordtveit, Noble, Lanzini, Zaza.

Manchester United iyo West Ham United ayaa afar maalmood gudahood markii labaad ku kulmay Old Traffrod waxayna Manchester United kulankan ciyaaraysay iyada oo Jose Mourinho uu ka ganaaxnaa kurisga kaydka kooxdiisa kadib markii uu FA-ga kala kulmay hal kulan oo ganaax ah.

DAQIIQADII 2 AAD GOOOOOOOL! Si ka duwan kulankii h--e Manchester United ayaa West Ham United goolka furitaanka ka dhalisay waqti la mid ah goolkii iyaga looga hor maray kulankii Premier Leaque-ga waxaana Man United goolka furitaanka u saxiixay Zlatan Ibrahimović kaas oo dhaliyay goolkiisii 10 aad ee xili ciyaareedkan oo tartamada oo dhan ah, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Man United hogaanka kula wareegtay.

Waxaana goolkan caawintiisa sameeyay Henrikh Mkhitaryan kaas oo markii ugu horaysay gool caawin ka sameeyay kooxdiisa Man United inkasta oo uu 9 kulan ka soo muuqday. Goolkan ayaa u muuqday mid West ham United xaalada ku xumayn karay basle waxay bilaabeen in ay si gaabi sah ciyaarta ugu soo laabtaan.

DAQIIQADII 35 AAD GOOOOOOOOL! West Ham United ayaa markeeda heshay fursada ay ciyaarta dib ugu soolaabtay waxaana goolkan u saxiixay xidigii h--e ee Man United ee Ashley Fletcher kaas oo kooxdiisii h--e ee Red Devils hogaanka u diiday waxaana goolkan qalad ku lahaa David De Gea oo u muuqday in uu goolkan badbaadin karay.

DAQIIQADII 45 AAD West Ham United  ayay dhibaato wayn oo dhawaac soo gaadhay kadib markii Aaron Cresswell uu awoodi waayay in uu garoonka ku sii jiro waxaana lagu soo badalay Arthur Masuaku laakiin labada kooxood ayaan awoodin in ay wax goolal ah kala dhaliyaan  waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1:1 ah sidaa ayayna qaybtii h--e ku dhamaatay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta Man United ayaa hal badal shaxdeeda ku samaysay waxaana waqtigii nasashada la badalay Daley Blind waxaana ciyaarta soo galay Luke Shaw, waxayna Red Devils markale bilawday in ay raadiso goolkeeda laabad.

DAQIIQADII 48 AAD GOOOOOOOOL! Man United ayaa markiiba heshay goolkeeda labaad waxaana markan shabaqa soo taabtay  Anthony Martial kaas oo markale gool caawin ka helay Henrikh Mkhitaryan kaas oo kulankan iskugu muujiyay Mourinho waxaana kubbad liidatay bixiyay Payet ka hor intii ayna Man United fursadan helin waxayna ciyaartu noqotay 2:1 ay Man Untied markii labaad hogaanka kula wareegtay.

DAQIIQADII 62 AAD GOOOOOOOOOL!. Manchester United ayaa heshay goolkeeda saddexaad ee ay dhulka ku dhigtay kooxda West Ham United waxaana markan goolkiisa labaad Red Devils u saxiixay Anthony Martial oo isaga laftiisu kulankan Mourinho fariin cad ugu diray wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3:1 ay Man United hogaanka ciyaarta ku sii dheeraysatay.

DAQIIQADII 90+3 AAD GOOOOOOOOOOL! Zlatan Ibrahimović oo goolasha Man United daah furay ayaa markana soo xidhay goolasha kooxdiisa Red Devils wuxuuna goolkiisa labaad uu ku dhaliyay kubbad uu caawinteeda sameeyay Ander Herrera wuxuuna Zltan ciyaarta ka dhigay 4:1 ay Red Devils ku xaaqayso Hammers.

West Ham United ayaa markan awoodi wayday in ay ciyaarta dib ugu soo laabto wuxuuna goolka saddexaad Man United siiyay kalsooni dheeraad ah oo ay ciyaarta ku maamuli karto taas oo ugu danbayn keentay in ciyaartu ay ku dhamaato 4:1 ay Man United guul ku gaadhay isla markaana ay ugu soo baxday afar dhamaadka Leaque Cupka waxayna kula biirtay kooxdaha Liverpool, Hull City iyo Southampton.

Like it? Share it!

1 Comment so far. Feel free to join this conversation.

  1. mohamud 01-12-2016 at 1:59 am - Reply

    daley blind ma bixine isgaa soogalay wxuna bedelay luke shaw mrka iska ilaasha akhyrta

Leave A Response