Man City Oo Kooxda FC Basel Xasuuq Xun U Soo Gaysatay, Ilkay Gundogan Oo Laba Gool Dhaliyay Iyo Sky Blues Oo Labada Lugood La Sii Gashay Siddeed Dhamaadka UCL.

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Feb 14, 2018

Manchester City ayaa kooxda FC Basel garoonkeeda si xun ugu soo xasuuqday kulanka lugta hore ee wareega 16ka koxoood ee UEFA Champions League. Manchester City ayaa 4-0 ku soo xaaqday Basel taas oo Etihad Stadium iskeeni doonta iyada oo quus ka taagan isla markaana aan rajo lahayn.

Ilkay Gündoğan ayaa goolasah Manchester City daah furay daqiiqadii 14 aad ee bilawgii kulankan laakiin laba gool oo deg deg ah oo ay raacsadeen Bernardo Silva iyo Sergio Aguero ayaa Manchester City qaybtii hore ciyaarta ka caawisay in ay natiijada sii go’aamiyaan laakiin Ilkay Gündoğan  ayaa markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad waxa uu dhaliyay goolkiisa labaad ee rajada Basel sii burburiyay.

Manchester City ayaa qaybtii hore ee kulankan shaqadeeda u qabsatay sidii ay Etihad Stadium ku ciyaarayso iyada oo aan biyo u kaban kooxda FC Basel ee hore dhibaataada badan u soo baday kooxaha ree England. Manchester City ayaa nooc kasta oo dhibaato ah ku abuurtay Basel qaybtii hore ee kulankan oo ay natiijada ciyaarta sii go’aamisay.

Manchester City ayaa intii aan laysla gaadhin qaybtii labaad waxay FC Basel tustay sida ay labada kooxood u kala heer yihiin laakiin waxa ay Manchester City samaysay qaybtii hore waxa uu ahaa mid digniin u ah dhamaan kooxaha kale ee tartankan qaybta ka ah.

DAQIIQADII 14 AAD Ilkay Gündoğan  ayaa bilaabay laxamaynta jiibta iyo jaanta ay Manchester City iskula heshay kulankan waxaana goolkan gacan ka gaystay boqorka gool caawinta Kevin De Bruyne oo xidiga ree Germany u abuuray fursada uu goolkan ku dhaliyay, wuxuuna goolka Gündoğan  ahaa ahaa sun iyo waabay wadnaha ka saaqday kooxda martida loo ahaa ee Basel kaas oo ayna marnaba ka soo kabsan.

DAQIIQADII 18 AAD Bernardo Silva  ayaa Basel ugu qubeeyay goolka labaad kadib markii ay Kevin De Bruyne, Sterling iyo Aguero kubbada isla soo taabteen, wuxuuna goolka Silva ahaa mid niyadjab iyo rajo xumo wayn ku sii abuuray kooxda martida loo ahaa isaga oo ciyaarta ka dhigay 2-0 ay Man City si sahlan hogaanka ugu dheeraysatay.

DAQIIQADII 23 AAD Xafladaynta Manchester City iyo ku raaxaysiga Guardiola ee kooxdiisa ayaa halkeeda ka sii socday kadib markii uu Sergio Aguero dhaliyay goolka saddexaad ee Sky Blues ay jilbaha dhulka ugu dhigtay Basel oo garoonkeeda joogta, iyada oo Fernandinho  uu markan diwaan gashaday caawinta goolkan , waxayna ciyaartu noqotay 3-0 ay City ku dubanayso FC Basel.

Manchester City ayaa qaybtii hore ee kulankan dhalin kartay goolal ka badan intan laakiin waxay u ahayd mid aad u fiican in ay saddex gool ku dhaliyeen 23 daqiiqo iyaga oo marti ah, waxayna Basel ka cabsi qabtay in qaybta horeba ay ceeb wayn la kulanto.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 3-0 ay Manchester City guul ugu taagnayd iyada oo Basel aan muujin sababta ay garoonkeeda iyo jamaahiirteeda uga faa’iidaysan wayday.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta Manchester City ayaa haysatay fursada ay ku dhalin kartay goolal dheeraad ah maadaama oo ay Basel noqotay mid cad iyo fuud laga dhigay oo qaybtii hore la bisleeyay laakiin Guardiola oo aan goolasha ka dhergin ayaa kooxdiia ka doonayay in ay dadaalka sii wadaan.

DAQIIQADII 53 AAD Ilkay Gündoğan  ayaa dhaliyay goolkiisa labaad ee ciyaarta iyo goolka afraad ee kooxdiisa Manchester City isaga oo markan caawin ka helay Sergio Aguero, wuxuuna goolkani ahaa mid Manchester City u suurotogaliyay ay labada lugoodba la sii gasho siddeed dhamaadka UEFA Champions League. Waxayan ciyaartu noqotay 4-0 ay Man City ku gumaadayso Basel.

DAQIIQADII 57 AAD Waxaa si layaableh garoonka loo soo galiyay Leroy Sane kaas oo si aan la rumaysan karin uga soo kabsatay dhaawac la filayay in uu waqti dheer ku maqnaanayo waxanaa la badalay Sterling. Guardiola laftiisa ayaa hore u qirtay in aanu rumaysan karin in Sane uu diyaar iska dhigay waqti aan laga filayn.

Intaa wixii ka danbeeyay ciyaarta ayaa noqotay mid aan xiiso lahayn isla markaana ay Manchester City niyadjab wayn ku riday Basel waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 4-0 ay Man City shaqo laayableh ku soo qabsatay iyada oo haddaba labada lugood kula jirta siddeed dhamaadka UCL.

5 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. DiDi 14-02-2018 at 5:23 pm -

    asc kan ay ugu qoran tahay viva chelsea umul miyaa
    oo ilowsho dhawaa ciyaalkan sow mahan kuwii chelsea
    u diiday iney banooni taabtan misena ku qasbay iney
    11 toban qof iyo difaac dhelan kkkkkkk hadan shelshea
    saas yeelay maxaa diidayo inan kuwa kale sidas camal yelo

  2. Aj 14-02-2018 at 8:40 am -

    duufanaha iyo dabaylaha xooga badan ee man city maha mid qofna iska indho tiri karo sanadkan arki donaa say wax yelaan

  3. Viva Chelsea 14-02-2018 at 6:14 am -

    ciyaalkan man city ah waxba Meesha kuma hayaan kooobkan qibrad iyo tayo ayuu rabaa

  4. Real down 14-02-2018 at 6:11 am -

    ilmo waaye man city ee koox weyn ha qabato sida; Barca ama bayern ama PSG ama real ilmahaan wa la waayi doonaa

  5. MARKAAWI MAN CITY 14-02-2018 at 1:01 am -

    Dabeysha iyo dufaanta iyo gantaalada man city
    Halkeedii ayey kasii socondoontaa weli yaa isgaarey afar koob baa noo carfaaya .viva city
    Sergio. Sane. D bureyn.silfa gundgon