Man City Oo Kooxaha Barcelona, Real Madrid & Man United Ku Garaacaysa Saxiixa Xidiga Kooxda Ajax Ee Frenkie De Jong Iyo Agaasimaha Ciyaaraha City Oo Hawsha Ku Jira.

Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa si toos ah ugu tartamayay xidiga kooxda Ajax ee Frenkie De Jong laakiin kooxa reer Spain ayaa u muuqda kuwo dhibaato kala kulmaya Pep Guardiola kaas oo doonaya in da’yarkan sida wayn loo qiimeeyo uu ku soo kordhiyo kooxdiisa Manchester City.

Barcelona ayaa markii hore ahayd kooxda ugu cad cad ee la soo wareegi kartay Frenkie De Jong kaas oo ay tan iyo xagaagii la soo dhaafay isha ku haysay horumarkii cajiibka ahaa ee uu sameeyay, balse Real Madrid ayaa salaanka dhexda kaga soo booday iyada oo hore loo sheegay in ay 80 milyan euros ku kharash garaynayso saxiixa Frenkie De Jong si ay Barca uga dul qaado.

Laakiin wargayska Sport ayaa shaaciyay in Manchester City ay doonayso in ay si deg deg ah ku dhamaystirto saxiixa Frenkie De Jong iyada oo waliba la shaaciyay in agaasimaha ciyaaraha Man City ee Txiki Begiristain uu dhawr jeer la kulmay dhigiisa Ajax ee Marc Overmars.

Waxaa warbixintan lagu sheegay in Manchester City ay hadda diyaar u tahay in ay 80 milyan euros ku kharash garayso saxiixa De Jong isla markaana ay Ajax siinayso fursada uu xidigani kooxdeeda ku sii joogo karo ilaa dhamaadka xili ciyaareedkan.

Agaasimaha ciyaaraha Man City ee Txiki Begiristain ayaa doonaya in uu kooxaha waa wayn ee ree Spain uu ka dul qaado saxiixa Frenkie De Jong taas oo keeni karta in Guardiola uu kooxdiisa ku heli karo xidig dariiqa u saarnaa in uu Camp Nou ka soo muuqdo.

Dhawr bilood ka hor agaasimihii ciyaaraha Barcelona ee Robert Fernandez ayaa qaaday talaabada uu hadda ku socdo agaasimaha ciyaaraha Man City ee Txiki Begiristain balse waqtigaas maamulka Barcelona ayaa hor joogsaday in ay lacag badan ku bixiyaan adeega Frenkie De Jong kaas oo Man City ugu biiri kara aduun dhan 80 milyan euros.

Manchester United iyo Tottenham ayaa sidoo kale ka mid ahaa kooxihii sida wayn loola xidhiidhinayay saxiixa Frenkie De Jong kaas oo sii jiitay indhaha kooxaha waa wayn ee Yuurb balse Man City ayaa u muuqata in ay talaabo wayn u qaaday in ay la soo wareegto Frenkie De Jong.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Ajax ayaan wali wax heshiis ah la gaadhin Man City iyaga oo doonaya in ay sii haystaan Frenkie De Jong oo kooxdooda muhiim u ah laakiin Guardiola ayaa dareensan in Frenkie De Jong uu ku haboon yahay kooxdiisa wuxuuna rajaynayaa in heshiiska xidigan uu kooxaha dalkiisa Spain ku garaaci doono.