Man City Oo Aan Wali Ka Quusan Isku Daygii Ay Ku Doonaysay Difaaca Juventus Ee Leonardo Bonucci Iyo Guardiola Oo Doonaya In Uu Kooxdiisa Ku Soo Xoojiyo.

by Mohamoud Batalaale | Saturday, Apr 22, 2017

Manchester City uu hogaaminayo tababaraheeda reer Spain ee Pep Guardiola ayaa dooneysa in si weyn ay isaga xoojiso qeybta dambe ee daafaca kooxdeeda xili ciyaareedka soo aadan, kadib markii ay dhibaato xoogan ay kala kulantay xili ciyaareedkan qeybta dambe ee daafaca.

Wargeyska “The Daily Telegraph” ayaa wuxuu xaqiijiyay in tababare Pep Guardiola uu si weyn u doonayo lasoo saxiixashada daafaca reer Talyaani iyo kooxda Juventus Leonardo Bonucci.

Leonardo Bonucci ayaa lagu tiriyaa inuu qeyb ka yahay daafacyada ugu wanaagsan haatan aduunka kadib bandhigiisa wanaagsan ee kooxda Juventus, waxayna maamulka kooxda Man City u diyaarinayaan saxiixa Bonucci aduun dhan 50 million pounds si ay u keensadaan xili ciyaareedka soo aadan  Etihad Stadium.

Manchester City ayaan kali ku noqon doonin doonista saxiixa daafaca waqtiga wanaagsan ku qaadanaya kooxda Juventus ee Leonardo Bonucci, waxaa sidaoo kale dhankiisa ka raadinaya macalinka ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Antonio Conte oo isna qorshihiisu yahay in xidigan uu qeyb kaga dhigto daafacyada kooxda Chelsea.

29 jirkan ayaa wuxuu qeyb kasoo ahaa safka kooxda Juventus tan iyo sanadii 2010, wuxuuna kasoo muuday safka kooxda Bianconi 307 kulan ee ah dhamaan tartamada oo idil, wuxuuna qeyb ka yahay xidigaha u suuragaliyay in markale ay ku dhawaato Juventus difaacashada Serie A iyo inay u gudbaan wareega AFAR dhamaadka Champions League oo isku aadkii lasameeyay dhawaan ay ku beegmeen kooxda reer france ee Monaco.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments