Majalada FourFourTwo Oo Soo Saartay Liiska 50ka Shaqsiyaad Ee Loogu Neceb Yahay Kubada Cagta – Cristiano Ronaldo, Luis Suarez & Mourinho Oo Ka Soo Muuqday

by Saed Balaleti | Wednesday, Dec 6, 2017

Majalada caanka ah ee bilaha ah FourFourTwo ayaa shaaca ka qaaday liiskooda 50ka shaqsiyaad ee loogu neceb yahay kubada cagta waxaana ku jira ciyaartoy, tababarayaal, milkiilayaal kooxeed, wariyayaal, garsoorayaal iyo weliba rag madax ka soo noqday kubada badan.

Liiska ay sameysay majalada FourFourTwo waa mid ay qiimeeyeen shaqaalahooda, waxaana ay ku cabireen aragtida ay ragaan ka heystaan taageerayaasha kubada cagta. Waxaa liiska ku jira rag caan ah sida Cristiano Ronaldo, Sergio Ramos, Michel Platini, Luis Suarez, Diego Maradona, Sir Alex Ferguson iyo kuwa kale oo badan.

Waxaa liiska hogaaminaya madaxweynihii hore ee FIFA Sepp Blatter kaasoo sida la fahmi karo ah shaqsi taageere ka waayay dunida kubada cagta ka dib musuqmaasuqii hareeyay FIFA, waxaa kaalinta labaad soo garay tababaraha Manchester United Jose Mourinho kaasoo inta badan weerar kala kulma taageerayaasha kooxaha kale oo dhan.

Waxaa kaalinta seddexaad ku jira goolhayihii hore ee xulka Jarmalka Harald Schmucher ka dib dhacdadii uu sameeyay Koobkii Adduunka ee 1982, waxaa kaalinta afaraad ku jira madaxii hore ee UEFA Michel Platini oo isagana arimo musuqmaasuq la xiriira lagu eedeeyay. Wariyihii hore ee Sky Sports Richard Keys oo haatan u shaqeeya beIN Sports ayaa kaalinta shanaad soo galay ka dib markii uu England uga cararay fadeexad la xiriirtay inuu aflagaadeeyay gabar calanwade ka aheyd Premier League isagoo aan ka warqabin in mikrafoonka uu u daaran yahay.

Cristiano Ronaldo oo ah xiddiga sannadka adduunka islamarkaana ugu cadcad abaalmarinta Ballon d’Or ee habeen danbe la bixinayo ayaa ka soo muuqday liiskaan isagoo soo galay kaalinta 6aad, halka agaasimihii hore ee Juventus Luciano Moggi ee ku ceeboobay fadeexadii Calciopoli uu ku jiro kaalinta 7aad.

El Hadji Diouf oo ahaa nin ilqabad leh ayaa kaalinta 8aad ku jira, halka sagaalaad uu ku jira Peter Winkleman iyadoo John Terry uu ku jiro kaalinta 10aad ka dib fadeexadii la xiriirtay inuu xiriir la sameeyay xaaskii hore Wayne Bridge iyo weliba in lagu eedeeyay inuu cunsuriyeeyay Rio Ferdinand walaalkiis.

Liiska 50ka Shaqsiyaad ee loogu neceb yahay kubada cagta ee FourFourTwo:

 

  1. Sepp Blatter
  2. Jose Mourinho
  3. Harald Schumacher
  4. Michel Platini
  5. Richard Keyes
  6. Cristiano Ronaldo
  7. Luciano Moggi
  8. El Hadji Diouf
  9. Peter Winkleman
  10. John Terry
  11. Bernard Tapie
  12. Karl Oyston
  13. Diego Maradona
  14. Joey Barton
  15. Ken Bates
  16. Luis Suarez
  17. Mike Ashley
  18. Diego Costa
  19. Ashley Cole
  20. Paolo Di Canio
  21. Andoni Goikoetxea
  22. Graeme Souness
  23. Richard Scudamore
  24. Kevin Muscat
  25. Roman Abramovich
  26. Dennis Wise
  27. Silvio Berlusconi
  28. Joe Kinnear
  29. Mike Dean
  30. Alex Ferguson
  31. Francesco Becchetti
  32. Mark van Bommel
  33. Tim Sherwood
  34. Antonio Rattin
  35. Graham Westley
  36. John Fashanu
  37. Roberto Rojas
  38. Vinnie Jones
  39. Vincent Tan
  40. Steve Evans
  41. Sergio Busquets
  42. Neil Warnock
  43. Ben Thatcher
  44. Stan Kroenke
  45. Allan Green
  46. Pepe
  47. Tony Pulis
  48. Robbie Savage
  49. Alan Pardew
  50. Sergio Ramos

Ma ku raacsan tahay FourFourTwo in ragaan ay yihiin kuwa loogu neceb yahay dunida kubada cagta? Maxay kula tahay? Yaa liiska si qaldan loogu soo daray? Yaase ka maqan oo loo baahnaa in lagu soo darro?