Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Talyaaniga  Oo Amray Kulan Deg-Deg Ah Si Go’aan Looga Gaaro Mustaqbalka Ventura & Ancelotti Oo Hogaaminaya Liiska Ugu Cad-Cad.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Nov 14, 2017

Carlo Ancelotti ayaa loo badinayaa inuu noqdo tababaraha xiga ee xulka qaranka talyaaniga si uu badal ugu noqdo Giampiero Ventura hadii kulanka deg-degga ah ee la isugu yeeray xubnahaha xiriirka kubadda cagta lagu go’aamiyo in shaqada laga ceyriyo.

Xiriirka kubadda cagta talyaaniga ayaa kulmi doona 48-saac ee soo aadan si go’aan buuxa looga gaaro mustaqbalka tababarahii hore Torino kaas oo xulka u sahli waayay iney usoo baxaan koobka Aduunka ee Russia ka dhici doona 2018.

Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Carlo Tavecchio ayaa si dhaqso leh u go’aamiyay in xubnaha xiriirka ay kulan isugu yimaadaan si loo cabiro go’aanka ay tahay in laga qaato hanaanka xulka.

“Aad ayaan u murugeysanahay ugana niyad jabsanahay inaan usoo bixi weyno koobka Aduunka, waa guuldaro ciyaareed taasoo waajib ka dhigeysa inaan si wadajir ah uga shaqeyno xalka” ayuu yiri Carlo Tavecchio.

“Waxaan qabanqaabiyay shir ay berito isugu imaanayaan xubnaha xiriirka si loo falanqeeyo loona go’aansado dooqa ay tahay in lagu dhaqaaqo mustaqbalka”

Xulka qaranka talyaaniga ayaa waayay dhacdada ugu weyn kubadda cagta markii ugu horeysay muddo 59-sano ah, waxaana ugu dambeysay sanadkii 1958 markas oo aysan kasoo qeyb galin koobkii lagu qabtay Sweden ee ay hanteen Brazil.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments