Madaxweynaha Roma Oo Shaaciyey In Bartilmaameedka Liverpool Ee Alisson Uu U Dhow Yahay Real Madrid

Kooxda kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee Liverpool ayaa qarka u saaran in lagu garaaco goolhayaha kooxda kubadda cagta Roma ee Alisson oo ay si aad ah u daba socotay.

Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Roma ayaa shaaciyey in goolhayaha xulka qaranka Brazil uu hod yahay inuu heshiis u saxeexo Real Madrid, taas oo diyaar la ah inay bixiso lacagta ay kooxda Talyaanigu ku doonayso oo dhan £68.3 milyan.

Goolhayahan 25 jirka oo hadda ku sugan waddanka Ruushka oo uu dalkiisa kala qaybgelayo Koobka Adduunka, ayaa haddii Real Madrid ay ku guuleysato waxa uu noqonayaa ciyaartoygii labaad ee Liverpool ku fashilanto inay gacanta ku dhigto toddobaad gudihii, iyadoo Nabil Fekir si lala yaabay ay ugu fashilmeen.

Madaxweynaha Roma oo la weydiiyey in Liverpool ay ku dhowdahay helidda goolhaye Alisson, ayaa waxa uu yidhi: “€78 milyan ayaa loo baahan yahay, waxaanu u dhow yahay inuu ku biiro Real Madrid”

Liverpool oo wali raadinaysa inay hesho goolhaye si ay uga baxdo mashaakilaadka faraha badan ee ka haysto goolka ayaa waxay u leexan doontaa oo ay ku dagaallami doontaa saddex goolhaye midkood, kuwaas oo kala ah Jan Oblak, Jasper Cillessen iyo Thomas Strakosha oo u kala ciyaara Atletico Madrid, Barcelona iyo Lazio.

1 Comment

  1. Madaxweynhu wuxuu yiri kaftan bey iga eheed (sarcastic) lkn hadane warar kale ayaa sheegaya in Realmadrid ay 75 m ugu dhowdahay goalhayahan.

Comments are closed.