Madaxweynaha Horyaalka La Liga Javier Tebas Oo Shaaca Ka Qaaday In Lionel Messi Uu Goor Hore Heshiis Cusub U Saxiixay Barcelona.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Nov 14, 2017

Madaxweynaha horyaalka la Liga Javier Tebas ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arinta heshiis kordhinta Lionel Messi, isagoo fariin farxad leh u diray jamaahiirta Balaugrana kuwas oo wali ka walwalsan xaaladiisa madama bartamaha sanadka soo aadan uu xor noqon doono.

Lionel Messi wuxuu ogolaaday inuu heshiis cusub saxiixo inkastoo aan lagu dhawaaqin, waxaana jira wali walaac laga qabo inuu kooxda isaga huleelo isagoo fasax u heli kara inuu January heshiis la gaaro kooxda uu doonayo.

Si kastaba, Javier Tebas ayaa niyadda u dajiyay jamaahiirta kaas oo qiray in Messi uu saxiixay heshiiska cusub goor hore isla markaana ayna qasab aheyn in lagu dhawaaqo balse ay muhiim tahay inuu saxiixay.

“Messi wuxuu heystaa heshiis uu cusbooneysiiyay” ayuu yiri Tebas isagoo ka hadlayay dhacdo ay soo abaabuleen shabakadda madaxa banaan ee Europa Press.

“Heshiiska wuxuu rasmi yahay marka la saxiixo, maahan inuu saxiix noqonayo marka lagu dhawaaqo iney saxiixeen. Messi wuu u saxiixay Barcelona. Hadii aanan been sheegeynin wuxu saxiixay”

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments