Madaxweynaha Dib Loo Doortay Ee Florentino Perez Oo Caawa Ka Hadli Doona Mustaqbalka Cristaino Ronaldo – Waqtiga & Goobta?

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Monday, Jun 19, 2017

Madaxweynaha dib loo doortay ee Real Madrid Florentino Perez ayaa caawa ka hadli doona mustaqbalka Cristiano Ronaldo kaas oo si ba’an loola xiriirinayo inuu dib ugu laaban doono Man United.

32-jirkaan ayaa la fahansan yahay inuu si daran kaga carooday hab dhaqanka waaxda canshuuraha Spain kuwaas oo ku eedeeyay inuu tiro laba jeer ah khiyaamay lacago dhan 14.7 Malyan oo Euro, wuxuuna go’aansaday inuu isaga tago gabi ahaan dalka madama sida dambiile loola dhaqmay.

Wararka xanta ah ee Cristiano Ronaldo waxey sare u kici doonaan ama hoos u dhici doonaan caawa marka uu Florentino Perez ka hadlo xaaladiisa.

Perez dib ayaa loo doortay madama la waayay cid la tartanta wuxuuna maamulka kooxda sii heyn doonaa ilaa bartamaha 2021.

Idaacadda Spain laga leeyahay ee Onda Cero waxey leedahay – Perez wuxuu caawa qeyb ka mid ah khudbadiisa kaga hadli doonaa kiiska la xiriira Ronaldo iyo mustaqbalkiisa.

Florentino wuxuu kasoo muuqan doonaa masxraxa madaxda ee Madrid saacadda Ingiriiska markey tahay 6:30 fiidnimo oo u dhiganta 8:30 waqtiga geeska Afrika.

Waa dhacdada kaliya ee caawa ay ka warsugayaan malaayiin warbaahin ah – madama ay macquul tahay iney dhinac u dhacdo arinta lagu jahawareeray ee kabtanka Portugal.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments