Madax waynihii Barcelona Ee Joan Laporta Oo Shaaca Ka Qaaday Wakiilka Ronaldo Ee Jorge Mendes Uu Barca U Soo Bandhigay Saxiixa CR7 Oo Ay Kula Wareegi Kartay Qiimo Ka Hooseyay Intii Uu Man United Ugu Biiray

by Mohamoud Batalaale | Thursday, Dec 1, 2016

Ka hor kulanka El Clásico ee sabtida Camp Nou ku dhex mari doona kooxaha Barcelona iyo Real Madrid, madax waynihii  kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa shaaca ka qaaday in uu jiray waqti ay kooxdiisu haysatay fursada ay kula wareegi kartay Cristiano Ronaldo wuxuuna Laporta sheegay in wakiilka Jorge Mendes uu Barcelona u soo bandhigay saxiixa Ronaldo.laporta

Laporta oo madax wayne ka ahaa Barcelona ayaa sanadkii 2003 fursad u haystay in uu Cristiano Ronaldo oo da’yar ahaa la soo saxiixdo inkasta oo markii danbe uu Ronaldo ku biiray kooxda Manchester United. Ronaldo ayaa sanadkii 2009 kii u soo wareegay horyaalka Spain isaga oo lacag rekoodh aduun ahayd ugu soo biiray Real Madrid.ronaldo

Joan Laporta oo ka hadlaya sidii ay xaaladu markaas ahayd ayaa yidhi: “Wakiilka Cristiano ayaa anaga noo soo bandhigay qiime ka jaban laba milyan. Markii uu maamulkayaga cusubi yimid, waxaanu la soo saxiixanay Ronaldinho, Rafael Marquez iyo Ricardo Quaresma”.

Laporta oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Waxaanu ku jirnay hanaanka dib u dhiska, Cristiano waxa uu joogay Sporting CP, wuxuuna u dhawaa in uu u saxiixo Manchester Unnited. Wakiilka ciyaartoyga kaas oo wakiil ka ahaa Marquez iyo Quaresma ayaa yidhi:’Waxaan hayaa ciyaartoy kale oo xaqiiqdii wanaagsan oo la yidhaa Cristiano Ronaldo”.ronaldo

Laakiin Laporta ayaa sheegay in ay ka warqabeen xaalada Ronaldo wuxuuna yidhi: “Waxaanu u sheegnay(Mendes) in aanu isaga naqaan, wuxuuna anaga noogu deeqay qiimo laba milyan oo euros ka hooseeya intii ay Man United ka bixinaysay oo ahayd 19 milyan oo euros”.

Like it? Share it!

Leave A Response