Madax Wayne Ku Xigeenka AS Monaco Oo Si Cad Uga Hadlay Qaabkii Ay Kooxaha Arsenal & Liverpool U Doonayeen Thomas Lemar Iyo Rajo Cusub Oo Uu U Abuuray Gunners Iyo Reds.

by Mohamoud Batalaale | Thursday, Oct 12, 2017

Madax wayne ku xigeenka kooxda AS Monaco ee Vadim Vasilyev ayaa sharaxaad ka bixiyay qaabkii ay kooxaha Arsenal iyo Liverpool ugu dhawaayeen saxiixa xidiga kooxdiisa ee Thomas Lemar. Arsenal ayaa maalmihii suuqa kala iibsiga xagaaga ugu danbeeyay waxay dalab 100 milyan oo euros ah u dirtay kooxda Monaco waxayna doonaysay in ay Thomas Lemar la soo wareegto kadib markii ay aqbashay in Alexis Sanchez uu Manchester City ku biiro.

Arsenal ayaa doonaysay in Thomas Lemar kula soo wareegto 60 milyan euros ooay Alexis Sanchez ku iibinaysay iyo 30 milyan oo euros oo ay jeebka kooxdeeda ka bixin lahayd taas oo marka dhinac laga eego ahayd mid faa’iido wayn u lahayd Gunners maadaama oo heshiiska Sanchez uu dhacayo dhamaadka xili ciyaareedkan balse madax wayne ku xigeenka AS Monaco ee Vadim Vasilyev  ayaa ka hadlay sababtii uu heshiiskani u dhamaystirmi waayay.

Dhinaca kale Liverpool ayaa xiiso wayn u haysay saxiixa Thomas Lemar laakiin ugu danbayn Reds ayaa la soo saxiixatay Naby Keita oo badhtamaha sanadka soo socda Reds soo gaadhi doona iyo Alex Oxlade-Chamberlain.

Haddaba madax wayne ku xigeenka AS Monaco ee Vadim Vasilyev oo ka hadlaya xiisihii Liverpool iyo Arsenal ee heshiiskii ay ku doonayeen Thomas Lemar ayaa yidhi: “Xaqiiqadii Liverpool way xiisanaysay, waxaan filayaa in ay cadaalad tahay in aan sheego in Thomas uu haysto fursad uu ku bixi karo sanadka soo socda”.

Vadim Vasilyev oo ka hadlaya suurtogalnimada uu Lemar ku bixi karo bisha January ayaa yidhi: “January, kubbada cagta marnaba maya ma sheegi kartid, laakiin kani ma aha wax aanu ka fikirayno, xaqiiqdii tani qorshahayaga kuma jirto. Kadib waa in aanu sugno oo aanu eegno sida ay kooxdu ugu shaqayso tartamada kala duwan”.

Vadim Vasilyev oo ka hadlaya sida ay Arsenal ugu dhawayd Lemar iyo waliba suurtogalnimada uu bisha January ay isbadal ku samayn karaan ayaa yidhi: “January uma muuqato waqti ku haboon in isbadalo waa wayn kooxda lagu sameeyo, laakiin Arsenal ayay ahayd xaqiiqdii kuwa ku dhawaa in ay heshiiska dhamaystiraan. Aad ayay ugu dhawaayeen, waqtiyaga ayaa kaliya ahaa mid soo daahay, waqti ku filan lama hayn isla markaana xaqiiqdii lama sii daba gali karin”.

Laakiin Vadim Vasilyev ayaa sheegay in dhamaadka xili ciyaareedkan uu Thomas Lemar kooxdiisa ka bixi karo inkasta oo aanu xataa meesha ka saarin suurtogalnimada ay xidiga ree France ku iibin karaan suuqa January balse waxa uu sheegay in uu kooxdiisa aad muhiim ugu yahay isla markaana uu ku faraxsan yahay in uu kooxda ku sii nagaaday.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments