Madax Fulinta Man City Ee Ferran Soriano Oo Ka Hadlay Damaca Kooxdiisa Ee La Soo Wareegista Lionel Messi Iyo Kulanka Camp Nou

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Oct 19, 2016

Madax fulinta kooxda Manchester city ee Ferran Soriano ayaa meesha ka saaray in kooxdiisu ay isku dayi doonto saxiixa Lionel Messi isaga oo sababta ku sheegay in ay wax adag tahay in lala soo wareego Lionel Messi oo uu ku tilmaamay xidiga aduunka ugu fiican. Balse Soriano ayaa tilmaamay in wali ay kooxdiisu u furtan tahay haddii ay soo marto fursada ay Messi kula wareegi karaan mustaqbalka.

Ferran Soriano oo la hadlayay RAC1 ayaa isaga oo Messi  ka hadlaya yidhi: “Waa wax dabiici ah in Lionel Messi uu doonayo in uu waayihiisa ciyaareed kaga fadhiisto Barcelona.Anagu iskuma dayi doono in aanu la soo wareegno, laakiin waxaanu sii wadi doonaa in aanu u furnaano qorshaha la soo wareegiseed”.

Ferran Soriano ayaa hadalkiisa sii wata ayaa Messi iyo kulanka Camp Nou ka sii hadlay: “Messi waa ciyaartoyga ugu fiican aduunka, waana isaga cida go’aaminaysa mustaqbalkiisa halka uu ku dhamaysan doono waayihiisa ciyaareed. Kulankani waa kulan taariikhdu ay dhinaca Barcelona jirto, waxay haystaan ciyaartoyda aduunka ugu fiican wayna adag tahay in gurigooda lagu ciyaaro”.

Ugu danbayn madaxa fulinta Man City ee Soriano ayaa sheegay in kooxdiisa Manchester City ay dhisme ku jirto wuxuuna yidhi: “Si kastaba, ahaatee, Mancehster City waxay ku jirtaa dhisme, waxaana jirta shaqo ay wali tahay in la qabto”.

Like it? Share it!

Leave A Response