Macalin Unai Emery Oo Sharaxay Jaceylka Uu Marquinhos U Qabo Barcelona & Sababta Uu Isaga Diiday Inuu Ku Biiro Xagaagan

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Wednesday, Nov 30, 2016

Tababarhaa cusub ee kooxda Paris Saint Germain – Unai Emery – ayaa shaaca ka qaaday in daafaciisa reer Brazil Marquinhos uu jecel yahay kooxda Barcelona balse xushmad uu u haayo PSG ayaa keentay inuu iska diido ku biiritaanka kooxda ka dhisan Catalan.

Marquinhos ayaa aad loola xiriirinayay Barcelona iyo sidoo kale kooxo kale oo qaaradda yurub ah, xagaagan ayuuna u saftay 10-kulan dhamaan tartamada oo dhan madama uu ka faa’ideystay maqnaashaha David Luiz oo dib ugu laabtay Chelsea.

Si kastaba macalinkii h--e Sevilla ayaa xaqiijiyay in Marquinhos uu ku faraxsan yahay magaalada Paris gaar ahaan garoonka Parc des Princess.

marquinhos

“Barca ayaa weydiisatay xagaagan, balse wuxuu u mahad celiyay PSG, madama ay siiyeen fursad uu ugu ciyaaro koox weyn” Ayuu yiri Unai Emery oo la hadlayay El Pais.

“Waxaa suuragal ah inuu jecel yahay Barcelona, balse wuxuu xushmeynayaa PSG madama ay siiyeen wax walba. sida uu yiri waana ciyaariyahan dhameestiran”

Dhanka kale Unai Emery ayaa aad u amaanay Marquinhos, “Waa ciyaariyahan heer sare ah, marka la fiiriyo farsamadiisa, wuxuu dhageystaa dhamaan tilmaamaheyga”

“Waa xidig isku dheeli tiran, waa waxa aad weydiin karto isaga, wali wuxuu sameynayaa hormar marka loo eego hogaankiisa”

Like it? Share it!

Leave A Response