MAAD: Kooxda Ree Sweden Ee Ostersunds FK Oo Ay Arsenal Isku Aadeen Tartanka Europa League Oo Markiiba Arsene Wenger Ku Maadsatay Iyo Jamaahiirta Gunners Oo Ka Jawaabay.

by Mohamoud Batalaale | Monday, Dec 11, 2017

Kooxda yar ee dalka Sweden ka dhisan ee Ostersunds FK ayaa xaqiiqdii wax waqti ah iskaga lumin in ay isla markiiba ku maadsato macalinka kooxda Arsenal ee Arsene Wenger kadib markii ay ogaadeen in kooxdoodu ay ku aaday Arsenal wareega 32ka kooxood ee tartanka UEFA Euoropa Leaque. Kooxda Ostersunds FK ayaa barteeda twitterka ugu maadsatay macalinka ree France iyada oo qoraal iyo muuqaal iyo qoraal isa soo raacisay.

Ostersunds FK ayaa soo qaadatay muuqaal kooban oo uu Wenger la dhibtoonayay in uu hagaajisto koodhkiisa maa jaakeedkiisa waxayna u sheegeen in garoonkooda Jamtkarft Arena uu aad qabow u yahay oo uu ka hor kulankan iska soo hagaajiyo.

Laakiin jamaahiirta Arsenal ayaa fariimo badan ugu jawaabay kooxda Ostersunds FK waxayna u sheegeen ay wax sahlan tahay in koodhka ama jaakeedka la hagaajisto balse ay iyaguna difaaca iska sii saxaan inta ayna soo gaadhin Sanchez, Ozil, Lacazette iyo Giroud.

Qoraalka la soo dhigay barta twitterka kooxda yar ee Ostersunds FK ayaa lagu yidhi: “Bisha Febaruary isku aragnee Jamtkraft. Fadlan hubiya in Wenger uu iska soo saxo ama hagaajiyo jaakeedkiisa/ koodhkiisa ka hor inta aanu soo safrin,  qabow ayay noqon doontaa Ostersund”.

Mid ka mid ah taageerayaasha Arsenal ayaa soo qoray: ” Waa wax ceeb ka badan sida ay koox sidan u yari tartan ugula jirto Arsenal” halka mid kale uu sii raaciyay:” Kala badh jamaahiirtaada safraysa ayaa ka da’ wayn kooxdiina”.

Laakiin taageere kale oo Arsenal ah ayaa kooxdan ugu jawaabay: “Hagaajinta jaakeedku waa wax sahlan laakiin iska hagaajiya difaaca ka hor inta ayna soo gaadhin Sanchez, Ozil, Lacazette iyo Giroud”

Halkan ka eeg qoraalka iyo muuqaalka Arsene Wenger loogu maadsaday.

2 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. warsame 11-12-2017 at 11:58 pm -

    i think ozil and sanchez will not be there. but they will se new faces leading by lacazette

  2. Qalbi holcay Qalbi holcay 11-12-2017 at 9:54 pm -

    hhhhhhh
    Sanchez
    ozil
    makula joogaan horta