Ma Joogo N’Golo Kante-hii Asturayay Pual Pogba- Jamaahiirta Xulka France Oo Muujiyay In Pogba Aanu Awood Lahayn La’aanta Kante.

Xulka qaranka France oo ahaa guuleystihii Koobkii Aduunka ayaa xalay ku dhibtooday kulan ay ka hor tageen xulka Iceland kahor intii uusan da’yarka mucjisada ah ee Kylian Mbappe daqiiqadihii ugu dambeeyay ee kulanka guuldaro ka badbaadin.

Kulankan ayaa si gaar ah dhaawac ugu ahaa xiddiga khadka dhexe ee Manchester United ee Paul Pogba kaas oo ku dhex muuqbeelay ciyaarta waxaana isla markiiba bandhigaas liita ka falceliyay jamaahiirta Les Bleus oo sheegay sababta ka dambaysa.

Sababta ugu weyn ee uu Paul Pogba ugu dhex lumay kulankan ayaa ahayd inuu kusoo bilawday khadka dhexe gaar ahaan booska burburiyaha oo ay si wadajir ah uga safnaayeen isaga iyo khadka dhexe ee AS Roma ee Steven N’Zonzi.

Labadan xiddig ayaa u muuqday kuwo aan inbadan is fahamsanayn sababtoo ah inaysan wakhti badan kulamo kusoo wada bilaaban waana sababta layaabka leh ee loo tabay N’Golo Kante iyo Blaise Matuidi oo kulankan la nasiyay.

Tababare Didier Deschamps ayaa jeclaystay inuusan garoonka kusii hayn Paul isaga oo ku bedelay xiddiga Lyon ee  Tanguy Ndombele markaas oo ay ciyaartu maraysay 2-0 uu xulka Iceland hoggaanka ku hayo.

Haddaba, Jamaahiirta France ayaa markiiba isku qanciyay in sababta ka dambaysa bandhig xumada Pogba ee kulankani ay tahay inuusan garabkiisa ka ciyaaray N’Golo Kante taasina ay tahay sababta uu u dhibtoonayo.

Waxaan halkan ku xusi doonaa saddex taageere oo markiiba dareenkooda 25 jirkan ku cabiray barta Twitter-ka kuna dooday in Kante si weyn looga tabay kulankan.

Taageeraha koowaad: France goolal ayaa laga dhalinayaa, Ma jiro Kante daboolaya Pogba

Taageeraha labaad: Qaab ciyaareed musiibo ah oo uu Pogba soo bandhigay iyaga oo haystay Kante, Miyuu wiilka dookhayga ahi (Kante) kaydka ku jiraa?

Taageeraha saddexaad: Pogba uma muuqdo mid sidaa u fiican marka uusan Kante dhinaciisa ahayn.