Ma Eden Hazard Mise Cid Kale, Tababare Maurizio Sarri Oo Si Toos Ah U Tilmaamay Xiddigaha Kooxdiisa Ee Ka Caawiyay Inuu Si Fiican U Saldhigto Chelsea.

Tababaraha kooxda Chelsea ee Maurizo Sarri ayaa daaha ka qaaday xiddigaha ka tirsan kooxdiisa ee ka caawiyay inuu si fiican u saldhigto horyaalka Premier League iyo kooxdiisaba mana ahan Eden Hazard oo ah xiddiga dhibcaha ugu badan u keenay xilli ciyaareedkan.

Sarri ayaa si weyn uga soo daahay in loo magacaabo tababaraha Blues sababtoo ah inay mudo doodi ka taagnayd lacagtii ay dalbanaysay kooxda Napoli oo doonaysay 9 Milyan oo heshiiskiisii lagu jabin karayay.

 

Haddaba, 59 jirkan ree Talyaani ayaa ugu horrayn sheegay inuu ku dhibtooday bilawgii imaatinkiisa Stamford Bridge balse ay ugu dambayn caawiyeen ciyaartoyda kooxdiisa ee kasoo jeeda dalka Spain kuwaas oo ay si fiican iskugu fahmeen luuqada Spanish-ka.

Tababaraha ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan halkan joogay saddex bilood bilawgiina waxa ay ahayd mid adag, Waxaan imid badhtamahii July waxaanan safar deg deg ah bishii August kuwada baxnay ciyaartoydii Koobka Aduunka kasoo laabtay”

“Sidaa darteed muu jirin wakhti badani, Waxaan qorsheeyay tababar badan, Waxa i caawiyay ciyaartoyda ree Spain ee Chelsea ku sugan kuwaas oo horeba u garanaya luqadayada kubadda cagta”

Maurizio ayaa mudadaas kooban ee uu joogo kooxda Chelsea gaadhay guulo waaweyn waxaana uu kooxdiisa ka dhigay kooxda kaliya ee Premier League ah ee aan ilaa hada guuldaro la kulmin tartamada oo dhan.

Dhinaca kale Sarri ayaa meesha ka saaray fikradihii sheegayay in tartanka horyaalka ee xilli ciyaareedkani uu ka dhexeeyo kooxaha Liverpool iyo Manchester City waxaana uu hadaba dhibco la wadaagaa kooxahaas.