Luke Shaw Oo Ka Farxiyay Jamaahiirta United Ee Ka Walwalsan Dhaawaca Zlatan & Jose Mourinho oo Fariin U Diray Jones Iyo Smalling.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Apr 21, 2017

Daafaca bidix ee Man United Luke Shaw ayaa saxaafadda la hadlay isagoo inyar ka warbixiyay sida uu yahay dhaawaca Zlatan Ibrahimovic oo waqtigii dheeriga ahaa lagu badalay Anthony Martial.

Zlatan waxey dhibaato kasoo gaartay jilibka kadib markii uu dhulka ugu istaagay si aan miisaan laheyn, waana nuuca dhaawaca ee ciyaartoyda seejiya muddo badan garoomada.

Si kastaba Shaw ayaa u sheegay saxaafadda in xidiga reer Sweden uu ku socdaalayay qolka labiska dhexdiisa isla markaana uu waxyar u muuqday mid sidii la filayay ka wanaagsan.

“Wuu fiican yahay, wuxuu ahaa mid ku dhex socday qolka labiska” ayuu yiri Shaw oo saxaafadda la hadlay isagoo dajiyay culeyskii ay jamaahiirta Red Devils ka qabeen dhaawaca halista u muuqda ee soo gaaray Zlatan Ibrahimovic.

Dhanka kale Jose Mourinho wax badan kama walwalsana dhaawaca soo gaaray Marcos Rojo kaas oo loo badinayo inuu kulamo dhawr ah maqnaan doono, balse wuxuu fariin adag u diray Jones iyo Smalling.

“Waxaan heysanaa Daley Blind, kaas oo qibrad u leh booskaas, waxeyna ila tahay in la joogo waqtigii ay geesinimo muujin lahaayeen Rojo iyo Jones oo aan qatarta galin laheyn”

“Sababtoo ah kooxda waxey kaga baahan tahay inaad wax walba u sameyso, waana habka aan u fikiray, ma sameyn kartid mucjiso, sababtoo ah ma rajeynayo mucjiso, balse waa iney isku dayaan wax walba oo dadajin kara soo kabsashadooda”