Luka Modric Iyo Real Madrid Oo Is Afgarad Ka Gaaray Heshiis Cusub

Waxaa la soo gabagabeeyey murankii ka taagnaa mustaqbalka Luka Modric ee Real Madrid oo ay dood badan xagaagan ka taagneyd.

Laacibka ayaa lagu abaalmariyey heshiis cusub oo uu ogolaaday iyada oo sare loo qaaday mushaarkii uu kooxda ka qaada jiray.

Arintan ayaa imaaneysa kaddib markii ay Real Madrid qiimeysay bandhigyadiisii xilli ciyaareedkii hore iyo kii koobka aduunka ee Croatia.

Mushaarka uu qaadan doono waxaa lala simay inta uu qaato Sergio Ramos waxaana ka mushaar qaalisan Gareth Bale oo qura.

Taas waxa ay cadeyn u tahay in la qiray ahmiyadda uu u leeyahay Real Madrid iyo doorka uu ka soo ciyaaray mudaddii uu joogay.

Xiise uga imanayey Inter Milan ayaa sabab u noqotay in mustaqbalka Luka Modric mad madow badan galo.