Luis Suarez Oo Ka Sheekeeyay Halka Arrin Ee Steven Gerrard Ka Dhigtay Inuu Noqdo Halyeyga Ciyaarta Kubadda Cagta.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Feb 13, 2018

Luis Suarez ayaa sadex sanadood la ciyaaray Steven Gerrard, wuxuuna mudadaas dhaliyay 69-gool xidiga reer Uruguay, sidaas darteed wuxuu qirtay inuu xusuus fiican ka heysto halyeeyga Reds.

Weeraryahanka Barcelona ee hadda wuxuu kooxda u huray naftiisa waqtigii uu joogay, isagoo ku dhawaaday inuu xilli ciyaareedkii 2013/2014 la hanto koobka Premier League maadaama ay ku dhawaadeen ka hor inteysan Manchester City ka dafin dhamaadkii ololaha.

Luis Suarez wuxuu amaan kala duldhacay saaxiibkiisii hore Steven Gerrard, wuxuuna ku qeexay inuu yahay macalinka baaska.

“Waxa kaliya oo uu lahaa Gerrard waxey ahaayeen baasaska goobaha fog-fog” ayuu yiri Suarez.

“Baasaska uu ciyaartoyda weerarka siinayo waxey ahaayeen kuwa fudud, fahamkiisa garoonka, inuu ku fiican yahay kubadaha hal iyo labada ah iyana waa mid kale oo uu awood ku lahaa”

“Aniga iyo Gerrard is faham fiican ayaa naga dhaxeeyay”

“Waxaan ahay mid nasiib badan hadaan isaga la ciyaaray, aad baan ugu raaxeystay waqtiyadii aan isaga la qaatay”

1 Aragti ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. Aden 13-02-2018 at 2:08 pm -

    Waa ciyaar yahn aaad ufcn run ahaantii Steven aad baan ujeclaa daaawashadiisa