Luis Enrique Oo Rajeynaya Shaqada Chelsea, Gunners Oo Xiiseyneysa Sokratis & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, May 17, 2018

Marka la gaaro dhamaadka xilli ciyaareedka horyaalada Yurub waxaa furmi doona suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, laakiin ka hor ayay kooxaha sii calaamadeysanayaan xiddigaha ay doonayaan inay adkeeyaan kooxahooda ka hor xilli ciyaareedka soo socda.

Waxaan saaka idiin soo koobnay wararkii ugu muhiimsanaa ee ay qoreen wargeysyada Ingariiska, sugnaanshaha wararkaan laacib.net mas’uul kama ahan waxaana xuquuqdooda iska leh wargeysyada ku hor qoran.


Arsenal ayaa dareenkeeda u weecisay daafaca Borrusia Dormund Sokratis Papastathopoulos kaas oo 29-jir ah, iyagoo aaminsan iney ku heli karaan aduun dhan 17.5 Malyan oo Pound. (Mail)

Arsenal sidoo kale waxey xiiseyneysaa daafacii hore Manchester United Jonny Evans kaas oo 3 Malyan oo Pound looga heli karo West Brom. (Mirror)

Eden Hazard ayaa doonaya in kooxdiisa Blues ay ciyaartoy lasoo saxiixato si uu garoonka Stamford Bridge usii joogo. (Independent)

Kieran Tierney oo 20-jir ah ayaa ku faraxsan in lala xiriiriyo Atletico Madrid, balse ma doonayo inuu ka dhaqaaqo Celtic. (Herald)

Leicester City ayaa ku dhaw iney 25 Malyan oo Pound kula heshiiso Porto si ay uga qaadato Ricardo Pereira oo 24-jir ah. (Telegraph)

Tababarahii hore Barcelona Luis Enrique ayaa rajeynaya inuu qabto shaqada Chelsea kadib markii Napoli ay bilowday iney Sarri ku celiso San Paolo. (Telegraph)

Man United ayaa xiiseyneysa daafaca Atletico Madrid Sime Vrsaljko kaas oo 26-jir ah, waxaa lagu qiimeeyaa 30 Malyan oo Pound. (Mail)

Dhanka kale Red Devils ayaa ku dhaw iney 43.7 Malyan oo Pound kula wareegto Alex Sandro iyadoo Matteo Darmian oo 28-jir ah uu dhinaca kale aadi doono.

Mauricio Pochettino ayaa doonaya inuu sanado kale sii joogo Tottenham Hotspur iyadoo lala xiriirinayo Chelsea. (The Sun)

117 Shares

2 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. abdala 18-05-2018 at 9:56 am -

    runtii shabakadan waa aad iyo aad u fiican qaab socodkeeduna aad uwanaagsan yahay

  2. casanyo 17-05-2018 at 3:01 pm -

    anagu hadaynu nahay tagero Manchester United ah waxaynu rabna 4 player.s wana.1umtiti . 2 Gareth balle 3. Alex Sandro 4. and Willien