Lucas Moura Iyo Marquinhos Oo Aabayaal Noqday Sagaal Bilood Ka Dib Markii Ay PSG 4-0 Ku Garaacday Barcelona

by Saed Balaleti | Wednesday, Nov 15, 2017

Xiddiga kooxda Paris Saint-Germain Lucas Moura iyo Marquinhos ayaa aabayaal noqday isbuucaan, waana sagaal bilood ka dib markii ay Paris Saint-Germain guushii caanka aheyd ka gaartay kooxda reer Spain ee Barcelona.

Labada nin ayaa ka qeyb qaatay kulankii ay PSG 4-0 ku garaacday Blaugrana ee lugta hore ee wareegii 16ka Champions League, waxaana kulankaas la ciyaaray maalinta ay reer galbeedka u yaqanaan maalinta jaceylka dunida ee Valentines Day ee 14ka bisha Febraayo 2017.

Weeraryahanka reer Argentina Angel di Maria ayaa labo gool dhaliyay habeenkaas daqiiqadihii 18aad iyo 5aad, iyadoo Daraxler iyo Edinson Cavani ay iyagana dhaliyeen labada gool kale.

FourFourTweer ayaa tilmaam ka bixisay arintaan, taasoo keentay si weyn looga hadlo isku aadka dhacay iyo suurtogalnimada inay caruurtaan calool galeen habeenkii ay PSG ka badisay Barcelona.

” Marquinhos iyo Lucas Moura waxa ay noqdeen aabayaal cusub isbuucaan. 9 bilood ka hor, PSG waxa ay 4-0 ku garaacday Barcelona koobka Champions League” ayay soo qoreen FourFourTweet

Laakiin lugtii labaad ee Camp Nou ka dhacday waxa ay noqotay mid taariikhi ah markii ay Barcelona ka soo kabsadeen guuldaradii lugta hore iyagoo ku badiyay 6-1 una soo baxay wareega sideed dhamaadka Champions League.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments