Louis Van Gaal Oo Si Dadban U Bilaabay Inuu Kaga Aarguto Man United & Jose Mourinho Xilli Uu Kulan La Qaatay Tababaraha Ajax.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Saturday, May 20, 2017

Louis Van Gaal Oo Doonaya Inuu Ka Aarguto Man United & Jose Mourinho – Madama Uu Talo Ka Siinayo Ajax Sida Loo Garaaco Red Devils.

Tababarahii hore Manchester United Louis Van Gaal ayaa doonaya inuu ka aarguto Jose Mourinho iyo kooxdisii hore kadib markii uu kulan waqti dheer ah la qaatay tababaraha Ajax Peter Bosz isagoo ka tala bixinayay qaabkii ay Ajax ku garaaci laheyd Red Devils.

Van Gaal oo 12-bilood ka hor laga ceyriyay shaqada Old Trafford maalmo kadib markii uu koobka FA Cup-ka u qaaday ayaa wali la careysan habkii ay ula dhaqmeen kooxda ka dhisan Ingiriiska.

Mourinho ayuu aaminsan yahay inuu yahay shaqsiga u qoonsaday shaqadiisa madama uu muujiyay rabitaankiisa kooxda ka hor inta aan la ceyrin.

Si kataba warbaahinta Holland ayaa qirtay in Van Gaal iyo Peter Bosz ay ku kulmeen shirka sanadlaha ah e ay isug yimaadaan xubnaha horyaalka wadankaasi waxeyna qaateen wadahadal qoto dheer.

Peter Bosz wuxuu aaminsan yahay in Louis Van Gaal uu yahay shaqsi yaqaana sida loo garaaco United iyo Jose Mouorinho madama uu waqti bare dhanka xirfadaha ah u ahaa.

Ugu dambeyntiina Louis Van Gaal ayaa wali mushaarkiisa ka qaata United waxeyna kusoo aadeysa arintaan xilli uu 30-ka June ay ku egtahay inuu ku lug yeesho dhaqaalaha kooxda.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments