Louis Van Gaal Oo Ku Eedeeyay Jose Mourinho Inuu Man United Ka Dhigay Koox Lagu Caajiso Islamarkaana Uu Doorbido Inuu Daawado Man City

by Saed Balaleti | Tuesday, Dec 12, 2017

Tababarihii hore ee Manchester United Louis van Gaal ayaa sheegay in kooxda ay dib dhac sameysay islamarkaana ay noqotay koox lagu caajiso tan iyo markii uu shaqada u baneeyay Jose Mourinho.

Van Gaal oo si weyn loogu dhaleeceyn jiray qaab ciyaareedkiisa taxadarka lahaa ee uu ku soo bandhigay Old Trafford mudadii labada sanno ee uu tababaraha ka ahaa ayaa sheegay inuu haatan doorbido inuu daawado Manchester City halkii uu daawan lahaa United.

Waxa uu u sheegay Fox Sports oo ka soo baxda dalkiiisa Holland: “Haddii aad i weydiiso sida ay aheyd shaqadeyda United, waxaan dhihi lahaa waxa ay aheyd sannadkii iigu fiicnaa abid marka loo eego xaaladaha aan ku hoos shaqeynayay.

“Waxaan ciyaarneynay kubad iska yara fiican. Laakiin ma aheyn kubad laga jeceleystay England.

“Sidaasi oo ay tahay marka aad haatan eegto United waxa ay ciyaarayaan kubad lagu caajiso mana jirto cid dhaleeceyneysa Mourinho.

“Waxaan doorbidaa inaan daawado City halkii aan daawan lahaa United. Waxaad u baahan tahay inay tayo ka muuqato kooxdaada, sida cad City ayaa heysata kooxda fiican.

“Waxa ay United haatan soo saarto waa kubad difaacasho. Waxaan mar walba ciyaarayay kubad weerar ah. Cadeyn waxaa u ah in kooxaha naga soo horjeeda ay mar walba baska baakimanayeen goolka hortiisa.

“Haatan sidaasi ma sameeyaan sababtoo ah Jose Mourinho waxa uu ciyaaraa kubad difaacasho ah.”

Van Gaal ayaa laga ceyriyay United kaliya labo maalmood ka dib markii uu kooxda u qaaday koobkiisa kaliya ee FA Cup sannadii 2016.

Ninka reer Holland ayaa qirtay inuu weli ka careysan yahay qaabkii looga ceyriyay kooxda iyo sida uu u dhaqmay madaxa kooxda Ed Woodward.

Waxa uu yiri: “Ed Woodward marnaba igalama hadlin arimaha mustaqbalkeyga, waxaana ahay qof wax walba lagala hadli karo.

“Madaama aan khibrad badan leeyahay waan garanayaa sharciyada aan qorneyn ee kubada cagta. Koox waa inay isku diyaarisaa mustaqbalka.

“Waan fahmi karaa taas, waxaana ay aheyd inay igala hadlaan. Ed inuu ila hadlo ayay aheyd laakiin ma uusan sameynin.”