Lix Dal Carbeed Oo Ka Dalbaday FIFA In Qatar Laga Qaado Martigelinta Koobka Adduunka Ee 2022

by Saed Balaleti | Sunday, Jul 16, 2017

Lixdii dal carbeed ee bishii la soo dhaafay xiriirka u jaray dalka yar ee Qatar ayaa la sheegayaa haatan inay warqad u qoreen xiriirka kubada cagta adduunka ee FIFA iyagoo ka dalbanaya in Qatar laga qaado martigelinta Koobka Adduunka ee 2022 iyagoo ku sababeeyay in dalka yar uu hooy u yahay argagixisada.

Shabakada Switzerland ka soo baxda ee The Local ayaa sheegtay in Sacuudi Areebiya, Yemen, Mauritania, Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Masar inay si wadajir ah warqad ugu qoreen FIFA iyagoo weydiisanaya in Qatar laga qaado martigelinta Koobka Adduunka 2022 iyadoo loo cuskanayo qodobka 85aad ee axdiga FIFa taasoo ogolaaneysa in talaabo ceynkaan oo kale ah la qaado haddii ay arin degdeg ah dhacdo.

Wakaalada wararka Reuters ayaa sheegtay inaysan wali arkin warqada, waxaana ay la xiriireen xafiiska madaxweynaha FIFA Gianni Infantino, waxaana loo sheegay inaysan warqadu weli soo gaarin xafiiska madaxweynaha.

“Madaxweynaha FIFA ma uusan helin warqad sidaas ah, sidaasi darteed wax hadal ah kama uusan oran” ayuu yiri afhayeen u hadlay FIFA.

“Sida aan hore u sheegnay, FIFA waxa ay xiriir joogta ah la leedahay gudiga maxaliga ah ee qabanqaabada Qatar 2022 oo arintaan gacanta ku jira” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ilo ku dhow howlaha Koobka Adduunka ee dowlada Qatar ayaa sheegay in Qatar ay ka warqabto in xulafada Sacuudiga ay isku dayayaan inay qaataan talaabadaan laakiin iyaguna weli ma aysan soo gaarin warqada.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments