Liverpool Oo Tallaabo Ka Farxisay Jamaahiirteeda Qaaday Ka Hor Kulanka Ay Martida U Noqon Doonaan Tottenham Hotspur.

Liverpool ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ka farxisay jamaahiirteeda kadib markii ay diyaarad khaas ah u direen saddexda ciyaartoy ee qaranka Brazil Roberto Firmino, Fabinho iyo sidoo kale Allison Becker si ay xilli hore u yimaadaan Merseyside.

Saddexdaan ciyaartoy waxey si wadajir ah uga qeyb qaateen kulankii xiisaha lahaa oo ay 2-0 kaga badiyeen qaranka Mareykanka iyo sidoo kale kulankii ay goolal ku dhaw nusdarsan ku xasuuqeen xulka yar ee El Salvador.

Labada kulan waxey ka dhaceen Mareykanka, iyadoo kulanka dambe uu soo dhamaaday subaxda hore Arbacada waqtiga UK, waxeyna Liverpool qaaday tallaabo ay u aragtay iney kaga baxsan karto iney soo daahaan isla markaana taam buuxa u noqon waayaan kulankooda xiga.

Sida ay ku warantay shabakadda Mirror Football, Liverpool waxey qaaday tallaabo ay ugu direyso xiddigahaas diyaarad khaas ah si ay hubanti uga dhigto iney xiddigahaas ka qeyb galaan tababarka Khamiista..

Roberto Firmino, Allison Becker iyo Fabinho ayaa dhamaantood tababarka buuxa ee kooxdooda qaaday, sidoo kalana tababarka maanta si buuxda ayey u qaateen, diyaar ayeyna u noqon karaan kulanka Tottenham Hotspur ee dhici doona xilliga qadada.

Liverpool si qurux badan ayey ku bilaabatay horyaalka Premier League fasal ciyaareedkaan kadib markii ay guul gaartay afartii kulan ee ay ciyaartay, kaliya hal gool ayaana laga dhaliyay kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Leicester City.