Liverpool Oo Guul Gaartay, Qiimeynta Kulanka, Xaqiiqooyinkii Laga Qoray & Wixii Laga Yiri Kulankii Soo Dhamaaday.

Liverpool ayaa guul qurux badan ku gaartay garoonka Wembley kulan ay 2-1 kaga badiyeen Spurs kulan ka tirsan horyaalka Premier League, waana kulan macno badan ugu fadhiya wiilasha macalin Jurgen Klopp.

Laba gool oo ay kala dhaliyeen Wijnaldum iyo Roberto Firmino ayey Reds guusha kaga heshay dhigeeda, walow Allison uu shabaqiisa ilaashan waayay intii ay socotay ciyaarta, waana markii labaad oo gool laga dhaliyo fasal ciyaareedkaan kulamada horyaalka.

Reds haatan iyadoo aan wax guuldaro iyo barbaro ah la kulmin ayey 15-dhibcood heshay 5-tii kulan ee ay ciyaareen horyaalka waana rikoor 100% ah.



Θ DHACDOOYINKA UGU MUHIIMSAN KULANKA:

GOAL: Daqiiqadii 39-aad: Wijnaldum ayaa dhaliyay gool madax ah, waxaa lagu ansixiyay aaladda Goal Line Technology, maadaama Vorm uu soo celiyay kadib markii ay xariiqda dhaaftay.

GOAL: Daqiiqadii 54-aad: Roberto Firmino ayaa dhaliyay gool ku taabasho ah, Mane ayaa kasoo shaqeeyay, Vertonghen ayaa birta isaga dhuftay halka Vorm uu qaban waayay, si sahlan ayuu xiddiga reer Brazil shabaqa ugu riday.

GOAL: 90+3: Eric Lamela ayaa shabaqa soo taabsiiyay goolka rajo soo celinta ah ee Spurs, kaliya wuxuu sameeyay niyad dhis waqtigana ayaana ku dhamaaday.

MAXAA LAGA YIRI KULANKA:

Gary Neville: Halyeeyga Man United oo kulankaan wax ka falanqeynayay wuxuu yiri: Spurs waa iney u mahad celiso ciyaartoydeeda nasiibka leh hadiiba ay kaliya ciyaarta tahay 2-0, tani waxey ku noqon kartaa dhibaato dhab ah” ayuu yiri mar ay ciyaarta mareysay 2-0, kana yaabay sida ay xiddigaha Liverpool ugu socdaan goolka Spurs.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Waa markii saddexaad oo ay Liverpool badiso dhamaan shanta kulan ee ugu horreysay horyaalka Ingiriiska heerka koowaad, waxaana sanadkaan ka horeeyay 1990-91 iyo 1978-79.

Roberto Firmino wuxuu ka qeybgalay 61-gool oo Premier League ah mudada uu ka hoos ciyaarayo Jurgen Klopp, 38-goo iyo 23-caawin, waana in ka badan 16 xiddig walba.

Dhamaan shanta gool ee laga dhaliyay fasal ciyaareedkaan kooxda Tottenham Hotspur dhamaan waa madax. (Xaqiiqadaan ka hor goolka Firmino) ayaa la diiwaangaliyay.

Georginio Wijnaldum ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay horyaalka Premier League uu kusoo dhaliyo banaanka, 55-kubad uu goosha la aadya ayuuna goolkaan ku helay.

QIIMEYNTA KULANKA:

Spurs – Vorm 3, Trippier 5, Alderweireld 6, Vertonghen 6, Rose 6, Dier 4, Dembele 6, Winks 5, Eriksen 5, Lucas 7, Kane 5. Subs – Lamela 6, Son 5, Wanyama 5,

Liverpool – Alisson 5, Robertson 6, Gomez 7, Alexander-Arnold 7, Van Dijk 8, Wijnaldum 6, Milner 8, Keita 6, Salah 5, Firmino 7, Mane 8. Subs – Henderson 5, Sturridge 5, Matip 4.