Liverpool Oo Beenisay Hadalkii Madax Wayne Ku Xigeenka Barcelona Ee Uu Ku Sheegay In Qiimihii Philippe Coutinho Ee Suuqii Xagaaga Ay Reds Hoos U Dhigtay.

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Jan 9, 2018

Kooxda Liverpool ayaa markale beenisay hadal ka soo yeedhay masuul sare oo kooxda Barcelona ah waxayna Liverpool cadaysay in hadalkii madax wayne ku xigeenka Barcelona ee Jordi Mestre uu ahaa mid aan xaqiiqo ahayn kaas oo sheegay in qiimihii Coutinho ee suuqii xagaagii ay Liverpool hoos u dhigtay.

Madax wayne ku xigeenka Barcelona ee Jordi Mestre ayaa xafladii bandhiga ee Camp Nou loogu sameeyay xidiga ree Brazil ka sheegay in qiimaha Philippe Coutinho ee dhabta ah ayna sheegayn sababtoo in ay balan ay isku ogyihiin Liverpool balse waxa uu qiray in qiimaha ay kula soo wareegeen 25 sano jirkani uu ka hooseeyo qiimihii ay Liverpool suuqii xagaaga ku doonaysay kaas oo aanu sheegin inta uu ahaa balse waxaa la xusuustaa in maamulka Barca uu Liverpool ku eedeeyay xagaagii 200 milyan gini ay ku doonaysay

Laakiin warbaahinta Spain iyo England ayaa sheegay in Barcelona iyo Liverpool ku heshiiyeen 160 milyan euros, oo 40 milyan euros oo ka mid ahi ay ku xidhan yihiiin waxyaabah uu Coutinho ku gaadho Camp Nou iyada oo waliba lacag 10-15 milyan euros ah uu Coutinho laftiisu bixiyay.

Madax wayne ku xigeenka Barcelona ee Jordi Mestre ayaa yidhi: “Xiisaha kooxdu waxa uu markasta ahaa in aanu keeno Coutinho. Kala duwanaansha isbarbar dhiga xagaagii waxa uu yahay in si wayn qiimaha hoos loogu dhigay. Kama hadli karno qiimaha sababtoo ah balan aanu la samaysanay Liverpool”.

Wargayska Sport ee ka soo baxa magaalada Barcelona ayaa sheegay in kooxda Liverpool ayna hoos u dhigin qiimihii Philipppe Coutinho isla markaana ay Reds meesha ka saartay hadalka madax wayne ku xigeenka iyada oo waliba warbixintan lagu xusay in suuqii xagaaga ayna Liverpool wax qiimo ah u sheegin Barcelona hadalkoodu ahaa: ‘Isagu iib kuma aha qiimo kasta”.

Hadalkan ayaa muujinaya in masuuliyiinta Barcelona ay markale sheegeen hadal ayna Liverpool xaqiiqo u arkin. Liverpool ayaa suuqii xagaagii la soo dhaafay iska diiday in ay xataa wax wada xaajood ah la samayso Barcelona iyada oo ugu danbayn bishan ogolaatay dalabka 160 ka milyan euros ah ee uu Coutinho hadda ugu soo biiray Camp Nou.

Dhinaca kale Philippe Coutinho ayaa markii ugu horaysay maanta la kulmay ciyaartoyda kooxdiisa oo ay ka mid yihiin Luis Suarez oo soo dhawayn wayn u sameeyay, Paulinho oo ay isku Brazil yihiin iyo waliba Gerard Pique oo qolka labiska Barcelona looga yaqaan madax waynaha mustaqbalka.

Si kastaba ha haatee, hadalkii madax wayne ku xigeenka Barcelona ee Jordi Mestre ayaa noqday mid la mid noqday qaabkii ay Liverpool suuqii xagaagii u beenisay in ay 200 milyan gini dul dhigeen madax Coutinho maadaama oo ayna markaas doonaynba in ay qiimo u sameeyaan.