Liverpool 2-0 Leeds United: Liverpool Oo Iska Xaadirisay Wareega Afar Dhamaadka EFL Cupka, Da’yarka Ben Woodburn Oo Taariikh Dhigay Iyo Origi Oo Markale Kulankan Isku Muujiyay

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Nov 30, 2016

Liverpool ayaa iska xaadirisay wareega afar dhamaadka tatanka English Football Leaque Cupka kadib markii ay Anfield ku garaacday kooxda Leeds United waxaana guushan Reds ku hogaamiyay Divock Okoth Origi iyo da’yarka  Ben Woodburn oo kulankan taariikh ka dhigay kadib markii uu noqday xidigii ugu da’da yaraa ee Liverpool gool rasmi ah uga dhaliyay kooxda kowaad wuxuuna jabiyay isla markaana uu dhaafay rekoodhkii Owen.

Liverpool oo xili ciyaareedkii h--e soo gaadhay finalka tartankan ayaa markale u soo baxday afar dhamaadka EFL Cupka waxayna markale diyaar u tahay in ay Wembley Stadium markale ku soo laaban karto. Michael owen ayaa da’yarka rekoodhkiisii la wareegay ee Woodburn ugu hambalyeeyay in uu rekoodhiisa la wareegay kulankan.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

LIVERPOOL (4-3-3): Mignolet; Arnold, Lucas, Klavan, Moreno; Ejaria, Stewart, Can; Mane, Wijnaldum, Origi.

KAYDKA: Karius, Clyne, Lovren, Milner, Henderson, Grujic, Woodburn.

LEEDS UNITED (4-2-3-1): Silvestri; Berardi, Bartley, Cooper, Taylor; Vieira, O’Kane; Sacko, Roofe, Dallas; Doukara.

KAYDKA:: Green, Ayling, Wood, Antonsson, Grimes, Phillips, Mowatt.

Qaybtii h--e ee kulankan ayaa ahayd mid ayna Liverpool soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay iyada oo shaxda sideeda isbadal uu Klopp ku sameeyay u muuqday kuwo aan si fiican isku fahmayn. Inkasta oo ay labada kooxoodba fursado goolal lagu dhalin karayay abuureen haddana waxay ahayd qayb lagu caajisay oo aan xiiso badan yeelan.

Kooxda Leeds United ayaa iska caabin wayn kala hortimid Liverpool waxayna culays badan saartay khadka dhexe oo ay Liverpool u muuqatay in ay si wayn uga nuglayd. Laakiin daqiiqadii 28 aad kooxda Leeds ayay dhibaato dhaawac soo gaadhay kadib markii ciyaarta dhaawac looga saaray Eunan O’Kane waxaana lagu soo badalay Kalvin Phillips.

Fursadihii ugu fiicnaa ee Liverpool ayay heleen Georginio Wijnaldum oo fursad dahabi ah laga badbaadiyay iyo Emre Can oo isna qalad difaac Leeds ah gool cadaan ah ku lumiyay kadib markii kubbad uu goolkaha dhaafiyay ay birta goolka waxyar u martay.

Origi ayaa fursado abuuray laakiin waxay Liverpool qaybtii h--e ee kulankan ku fashilantay in ay wax gool ah dhaliso taas oo wax fiican u ahayd kooxda martida ahayd ee Leeds United oo si fiican isakga joojisay weerarka Reds, waxayna qaybtii h--e ku dhamaatay barbaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay markiiba Liverpool bilawday in ay weeraro joogto ah ku qaado goolka Leeds. Daqiiqadii 50 aad Origi ayaa kooxdiisa ka lumiyay fursad qaali ahayd isaga oo goolka Leeds hortiisa kubbad ku helay laakiin kubbad uu u furan lahaa Mane oo goolka oo madhan horjoogay ayuu Origi isku mashquulay.

DAQIIQADII 54 AAD BIRTA GOOLKA!. Kooxda Leeds United ayaa heshay fursadeedii ugu cajiibsanayd ee ay ugu dhawaatay in ay goolka furitaanka kula timaado kadib markii uu darbo layaableh goolka Liverpool ku tuuray Roofe laakiin kubbada ayaa si xoogan uga soo booday birta goolka Liverpool. Alla maxay halis gool loo fishay ahayd!.

Labada kooxoodba waxay bilaabeen in ay dardarta ciyaarta sare u qaadaan taas oo qaybtii danbe ee kulankan ka dhigtay waxayna markale kooxda Leeds daqiiqadii 66 aad Leeds ayaa heshay fursad kale oo gool lagu dhalin karay kadib markii uu Roofe darbo ka soo tuuray meel goolka Liverpool u jirtay 20 yards laakiin Mignolet ayaa darbadiisa iska joojiyay.

Klopp ayaa daqiiqadii 67 aad go’aansaday in uu ciyaarta soo galyo 17 sano jirka  Ben Woodburn wuxuuna ciyaarta ka saaray Kevin Stewart oo u muuqday in uu dhaawac soo gaadhay. Stewart ayaa awoodi waayay in uu ciyaarta sii wadan karo taas oo fursad siisay da’yarka Woodburn oo kulamadii saaxiibtinimo ee xagaagii dhawaa kooxda kowaad isku muujiyay.

DAQIIQADII 72 AAD BIRTA GOOLKA! Liverpool ayaa markeeda birta goolka u garaacday Leeds United waxaana markiisa fursad cajiib ah oo gool loo fishay helay Georginio Wijnaldum laakiin dadaalkiisa waxaa beenisay birta goolka. Waxayna ciyaartu noqotay mid goolka furitaanku uu dhib wayn noqday.

DAQIIQADII 76 AAD GOOOOOOOOOOOOL! Ugu danbayn Liverpool ayaa jabisay iska caabintii Leeds United waxaana goolka furitaanka ee muddada dheer dhibaatada ku soo noqday u saxiixay Divock Okoth Origi oo kaas oo si qurux badan u dhamaystiray kubbad uu soo karoosay da’yarka Trent Alex-Arnold, waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Liverpool hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Origi oo Liverpool xaalad xun ka saaray kulankii Sunderland ayaa markale kooxdiisa udhaliyay goolka ay sida wayn ugu baahnayd laakiin hal daqiiqo kadib Origi ayaa walwal wayn ku abuuray Klopp iyo jamaahiirta Reds kadib markii uu u baahday in dhaawac laga daaweeyo balse waxa uu awooday in uu ciyaarta sii wadan karo.

WAQTIGII CIYAARTA!. DAQIIQADII 81 AAD GOOOOOOOOL! 17 sano jirka Ben Woodburn oo uu Klopp ciyaarta soo galay daqiiqadii 67 aad ayaa goolka labaad ee Liverpool indhaha ku xaday isaga oo noqday xidiga abid ugu da’da yaraa ee Liverpool kulan rasmi ah gool uga dhaliyay, wuxuuna si qurux badan u dhamaystiray kubbad uu caawinteeda sameeyay  Georginio Wijnaldum, waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Liverpool hogaanka ku dheeraysatay.

Woodburn ayaa jabiyay rekoodhkii xidiga ugu da’da yar ee Liverpool gool rasmi ah kooxda kowaad uga dhaliyay oo haystay Michael Owen kaas oo rekoodhkan ku haystay 17 sano iyo 145 maalmood halka Woodburn uu goolkan dhaliyay isaga oo jira 17 sano iyo 45 maalmood.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:0 ay Liverpool ku garaacday kooxda Leeds United isla markaana ay ugu soo baxday afar dhamaadka tartanka koobka English Football Leaque Cupka. Reds oo xili ciyaareedkii h--e soo gaadhay finalka tartankan ayaa markale afar dhamaadka joogta.

Like it? Share it!

Leave A Response