Lionel Messi Oo Wareysi Uu Siinayay TyC Sports Ku Sharraxay Sababta Uusan Waligiis Uga Tageynin Kooxda Barcelona & Gobolkaba.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Wednesday, May 16, 2018

Weeraryahanka Barcelona Lionel Messi ayaa meesha ka saaray gabi ahaanba rajada laga qabo inuu mar ka hayaamo garoonka Camp Nou xilli uu wareysi siinayay TV-ga TyC Sport ee laga leeyahay dalkiisa.

Lionel Messi ayaa isbuuca soo aadan dhameysanaya fasal ciyaareekiisii 14-aad ee La Liga isagoo hantay horyaalkiisii 9-aad sidoo kalana si macquulnimo ah u xaqiijiyay ku guuleysiga abaalmarinta Pichichi Trophy maadaama uu 34-gool haliyay isagoo saftay 36-kulan.

Kabtanka Argentina waxaa lala xiriiriyay dhawr jeer kooxda Manchester City, balse wax walba wuxuu kusoo afjaray inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa dhamaadka sanadkii hore.

30-jirkaan wuxuu ka dhawaajiyay inuusan u baahneyn badal uu ku sameeyo kooxdiisa meeshana aan ka saarin in xaaskiisa Antonela Roccuzzo iyo sadexdiisa wiil ay aad ula qabsadeen nolosha gobolka.

“Iskuma dayin inaan ka tago Barcelona, ma jirto meel ka wanaagsan Barcelona, hadii aan halkaan joogin meel kale maba ahaan karo” ayuu yiri Messi oo la hadlayay TyC Sports.

“Waa kooxda ugu wanaagan dunida, kuna taala magaalada ugu wanaagan dunida, caruurteyda goor hore ayey saaxiibo ku yeesheen, mana doonayo inaan badalo”

“Waxaan u dagaalamaa inaan ku guuleysto wax walba, uma baahni inaan meel kale aado si aan wax u cadeeyo”

“Ma jecli inaan ciyaaro ciyaarahii hore, mar walba waxaan jeclahay inaan wax ku kordhiyo qabka aan u ciyaaro”

142 Shares

1 Aragti ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. isma 16-05-2018 at 8:08 pm -

    cagayare kubada dhidhid ayaa ka keentay waa in lambarka tobnaad laguu xareeyaa