Lionel Messi Oo Sabab U Noqonaya In Barcelona Ay Hesho Bartilmaameedkeeda Kowaad Ee Suuqa Kala Iibsiga Ee Frenkie de Jong.

Da’ayarka kooxda Ajax ee Frenkie de Jong ayaa xaqiijiyay inuu rajeynayo in kooxda Barcelon uu kaga garab ciyaaro kabtanka kooxda ee Lionel Messi sida ugu dhaqsaha badan.

Barcelona ayaa bartilmaameedka koowad ka dhiganaysa Frenkie de Jong kaas oo ay doonaysay in ay suuqii soo xidhmay la soo wareegto balse da’yarkan ayaa dhiiro galin wayn siiyay maamulka Barca.

Frenkie de Jong ayaa ka mid ah xidigaha ugu muhiimsanee ay maamulka kooxda Barcelon ka dhiganayaan bar-tilmaameed suuqyada soo socda, inkastoo saxiixiisa ay ku fashilmeen suuqii dhawaa ee xagaaga, laakiin Blaugrana ayaa isku diyaarineysa in markale ay u dhaqaaqdo suuqa furmi doono bisha January.

Da’ayarka xulka qaranka Netherland ayaa wareysi uu dhawaan bixiyay wuxuu ku sheegay: “Hadii ay dhacdo inaan ku biiro koox weyn, waxaan ka garab ciyaari doonaa ciyaartoy waaweyn, laakiin aniga ahaan waxaan doonayaa inaan la midoobo Lionel Messi”.

Frenkie de Jong ayaa wuxuu dhinaca kale hadalkiisa kusii daray: “Waa hubaal inaan doonayo ka garab ciyaaristiisa, haatan da’adiisu waa 31 jir, sidaas darteed waa in aan sida ugu dhaqsaha badan kula midoobaa”.

Bar-tilmaameedka kooxda Barcelona ayaa hadalkiisa sii raacsaday: “Aabahay ayaa ii sheegay in Messi uusan heysanin, waxa uu heystay Johan Cruyff, sababtoo ah Cruyff wuxuu ka dhigayay saaxiibadiis inay u ciyaaraan si fiican, laakiin waxaan u sheegay in Messi uusan u baahnayn kuwa kale”.

Frenkie de Jong oo ka hadlaya waqtiyadii fiicnaa ee ay Barcelona soo qaadatay ayaa yidhi: “Waxaan xusuustaa kooxda Barcelona uu hogaaminayay tababare Pep Guardiola, oo ay ku jiraan Puyol, Xavi, Iniesta, Busquets, Pique, Dani Alves, Pedro, Messi, Samuel Eto’o iyo David Villa, waxay ahaayeen kuwo cajiib ah isla markaana ay adag tahay in laga hor yimaado”.

2 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.