Lionel Messi Oo Magaalada Barcelona Ka Soo Degay Kadib Saddexleydii Uu Xulka Qarankiisa Argentina Ugu Soo Saaray Koobka Aduunka Iyo Xidigaha Kale Ee Valverde U Soo Laabtay.

by Mohamoud Batalaale | Thursday, Oct 12, 2017

Kabtanka xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi ayaa ka soo degay magaalada Barcelona kadib markii uu saddexley goolal ah ka soo dhaliyay kulankii Ecuador isaga oo soo gutay waajibaadkii xulka qarankiisa isla markaana u soo saaray koobka aduunka ee Russia 2018. Laakiin Messi ayaan waqti badan ku lumin in uu ku soo laabto kooxdiisa isla markii uu soo dhamaystay kulamadii caalamiga ahaa.

Sida uu wargayska Sport shaaciyay isla markii uu soo dhamaaday kulankii Argentina iyo Ecuador ee ka dhacay caasimada Ecuador ee Quito ayuu Messi dabaal deg qolka labiska xulka qarankiisa kula sameeyay ciyaartoyda ay isku kooxda yihiin iyo waliba shaqaalaha xulka qaranka Argentina balse markiiba waxa uu goostay tikidhka diyaarada dib ugu soo celin lahayd Barcelona.

Lionel Messi ayay safarka uu kaga soo baxay Ecuador waxaa ku wehelinayay xidiga kooxdiisa iyo qarankiisa ee Javier Mascherano, xidiga ay isku qaranka yihiin isla markaana ka tirsan kooxda Paris Saint-Germain ee Angel Di Maria si la mid ah ninka ay Messi aadka iskugu dhaw yihiin ee Pepe Costa.

Di Maria ayaa Paris leexday intii ayna diyaaradu soo gaadhin Barcelona waxayna xidigaha Barcelona ee Messi iyo Mascherano ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha El Prat Airport halkaas oo ay Messi ku sii sugayeen xaaskiisa Antonella Roccuzzo iyo wiilkiisa Thiago.

Lionel Messi iyo Javier Mascherano ayaan tababarkii subaxnimo ee kooxda Ernesto Valverde maanta oo khamiis ah ka soo xaadirin maadaama oo ay safar dheer soo galeen laakiin waxaa tababarkii saaka ee Barcelona dib ugu soo laabtay  Nelson Semedo iyo André Gomes oo xulka qarankooda Portugal ka soo caawiyay in uu koobka aduunka u soo baxo.

Waxa kale oo soo laabtay Lucas Digne iyo Samuel Umtiti oo iyaguna door muuqda ka soo ciyaaray in xulka qaranka France uu koobka aduunka u soo baxo laakiin goolhaye Jasper Cillessen oo maanta tababarka ku soo laabtay ayuu xulka qarankiisa Netherlands ka hadhay koobka aduunka halka Thomas Vermaelen oo qarankiisa Belgium xili horeba u soo baxay koobka aduunku uu manata isna qayb ka ahaa tababarkii uu bixiyay Valverde.

Barcelona ayaa isku diyaarinaysa kulanka Atletico Madrid iyada oo markii ugu horaysay booqan doonta garoonka cusub ee Wanda Metropolitano laakiin Messi oo ay Atletico Madrid u tahay kooxaha uu ugu jecel yahay in uu goolal ka dhaliyo ayaa 27 gool kaga soo dhaliyay 34 kulan iyada oo waliba 12 gool oo ka mid ah ku soo dhaliyay 17 kii kulan ee ugu danbeeyay ee ay Barcelona martida ku soo noqotay garoonkii laga soo guuray ee  Vicente Calderón.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments