Lionel Messi Oo Ka Jawaabay Wararka Sheegaya In Isaga, Suarez & Fabregas Ay Lacago Waali Ah Hal Habeen Uga Cunteeyeen Ibiza.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Sunday, Jun 18, 2017

Lionel Messi ayaa waqti qurux badan ku qaadanaya jasiiradda Spain ku taala ee Ibiza, wuxuuna waqti la qaadanayaa qoyskiisa iyo saaxiibadiis.

Weeraryahanka wuxuu Ibiza kula kulmay saaxiibkiisa Barcelona Luis Suarez iyo saaxiibkiisa ugu qaalisan kubadda cagta Cesc Fabregas kaas oo ku sugan Blues.

Sadexdooda waxey waqti wadajireed ku qaateen Ibiza iyadoo warbaahinta caalamka ay wax badan ka qoreen, balse sheekada ugu xiisaha badan leh ayaa ah in lasoo wariyay iney lacago waali ah hal habeen ku bixiyeen cabitaan iyo cuno.

Sida lagu baahiyay baraha bulshada 37,630 kun oo Pound ayey hal habeen sadexdooda ku bixiyeen cuno – waa Suarez, Fabregas iyo Messi.

Dadka qaar ee ka falceliyay sheekadaan – waxey sheegeen iney tahay wax aan caqli aheyn in sadex shaqsi ay intaas isticmaalaan.

Arintani waxey sababtay in Lionel Messi uu ka hadlo xaaladda walow la sheegay in markii dambe uu ka bixiyay akoonkiisa warbixinta.

“hahahahaahahah alla maxey uga hadleen si doqonimo ah.. Sida ay uga been abuureen. balse waxa ugu quruxda badan waxey tahay in waxyaabahaas ay dadka rumeysteen”

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments