Lionel Messi Oo Amaah Ugu Wareegay Kooxda Malaga – Warbaahinta Catalonia Oo Si Madadaalo Ah U Daabacay.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Saturday, May 20, 2017

Lionel Messi ayaa amaah ugu biiray kooxda Malaga inta ka dhiman xili ciyaareedkaan, waxey aheyd fariin la socotay sawirka hoose ee muujinaya weeraryahanka reer Argentina Lionel Messi oo xiran maaliyadda kooxda Malaga.

Sawirkaan waa mid baraha bulshada looga maadeystay xilli Real Madrid ay wajaheyso Axadda kooxda Malaga iyadoo u baahan kaliya hal dhibic si ay u hanato horyaalka La Liga shan sano kadib ahna markeedii 33-aad.

Sida kaftanku yahay Barcelona ayaa amaah ku bixisay Lionel Messi si uu guul ugu keeno Malaga isla markaana Barcelona uu ugu soo gacan galiyo horyaalka La Liga.

Dhanka kale Barcelona waxey u baahan tahay mar walba in kooxda reer Andalusian (Malaga) ay guul gaarto iyana ay guul ka hesho Eibar sidaasna ay difaacato horyaalka La Liga.

Warbixintaan Madadaalada ah waxaa lagu daabacay website-ka uu leeyahay wargeyska kasoo baxa gobolka Catalonia ee SPORT.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments