Lionel Messi Oo Aan Waligii Hal Gool Ka Dhalin Chelsea Siddeed Kulan Oo Uu Ka Hor Yimid- Waase Kuwee Shanta Kooxood Ee Kale Ee Messi Iska Joojiyay?

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Dec 12, 2017

Xidiga xulka qaranka Argentina iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa kooxo badan oo Spain iyo Yurub ah goolal badan ka soo dhaliyay laakiin waxaa jira kooxo dhawr ah oo awooday in ay Messi u diidaan in uu hal gool ka dhaliyo waxaana ka mid ah kooxda ay Barcelona wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions League isku arki doonaan ee Chelsea.

Lionel Messi ayaa Chelsea ka hor yimid 8 kulan laakiin waxa uu awoodi waayay in uu hal gool ka dhaliyo kooxda Stamford Bridge ka dhisan. Inkata oo xidiga ree Argentina uu hore u soo jabiyay caqabado badan oo la sheegay in aanu goolal ku soo dhalin, waxa markale hortaal fursada uu ku jabin karo rekoodhka laayabka leh ee Chelsea shabaqa kooxdeeda kaga joojisay in uu wax goolal ah ku dhaliyo.

Lionel Messi ayaa kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda kowaad ee Barcelona saftay March 6,2004 kii wuxuuna tan iyo markaas oo dhaliyay 531 gool kadib markii uu so ciyaaray 629 kulan laakiin dhamaan goolashan waxaa ka maqan kooxo awooday in ay shabaqooda ka daboolaan xidiga ree Argentina.

Haddii ay Chelsea tahay kooxda kaliya ee 8 kulan Lionel Messi shabaqa kooxdeeda ka joojisay waxaa ku soo xigta kooxda Rubin Kazan oo iyaduna awooday in afar 4 kulan ay Lionel Messi u diiday in uu wax goolal ah ka dhaliyo halka Inter Milan ay iyaduna 3 jeer Messi ka joojisay in uu booqdo shabaqa kooxdeeda.

Kooxaha Liverpool iyo Benfica ayaa min laba kulan oo ay Lionel Messi kaga horyimaadeen Barcelona u diiday wax goolal ah halka kooxda Udinese ay tahay kooxda lixaad ee hal kulan uu Messi ka horyimid balse aanu wax goolal ah ka dhalin.

Haddii ay kooxahani yihiin kooxaha uu Lionel Messi goolal kaga soo dhalin waayay tartamada caalamiga ah waxaa jira saddexkoodood oo La Liga uu Messi kaga hor yimid oo aanu goolal ka dhalin waxayna kala yihiin kooxaha Xerez, Real Murcia iyo Cadiz oo dhamaantood hadda ka maqan horyaalka heerka kowaad balse waqtiyo kooban ka soo muuqday oo Messi u diiday in uu goolal ka dhaliyo.

Kooxaha Uu Lionel Messi Kaga Hor Yimid Champions League-ga Ee Aanu Goolasha Ka Dhalin:

Chelsea (8 kulan)

Rubin Kazán (4 afar klan)

Inter Milán (3 afar klan)

Liverpool (2 afar klan)

Benfica (2 afar klan)

Udinese (1 afar klan)

Kooxaha Uu Lionel Messi Kaga Hor Yimid La Liga Ee Aanu Goolasha Ka Dhalin:

  1. Xerez (2 )
  2. Real Murcia (2 )
  3. Cádiz (1 )

Kooxaha kale Ee Messi Shabaqa Ka Ilaashaday:

Club World Cup

  1. Al Sadd Catar (1 )

Copa Del Rey

  1. Gramenet (1 )*

5 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. saddam omar 13-12-2017 at 2:30 pm -

    chelsea waxa inoo balan ah bisha february igamuu dhalin messi juventuus ba laga yeeli waaaa

  2. maxamuud salax 13-12-2017 at 7:31 am -

    run.ahaantii kubada cagta waa nasiib marna weykuhilisaa marna weykaahiilisaa kagudub ninka lip ladhoho waxaaba qalad.ah in lagumurmo wukadhalina chelsia gool iyo kamadhakinayo yeynu kahordhicin insha alaah bilaha soon.aadan ayaa inoobalan.ah mesi inuu lacibyahay shakimaakujiro jawabta caqliga salimka ayaan udhaafeeynaa good luck

  3. abdulrizak ahmed 13-12-2017 at 7:20 am -

    barca waaa lagaraacayaa iskamana celinkarto murqo weynayaasha Chelsea waxa qabsandoona jab aysan waligiid iloobeyn waxaana looga badan doona home iyo away imsha Allah 5:2

  4. fahad 12-12-2017 at 11:06 pm -

    waxaas hada aya laso gaba gabeynaa xasus messi juvantus gool weligiis kama dhalin aya dhihi jirteen lkn ha ilobin inuu labo gool kuso gaba gabeyay rikoorkii juva hadana waa chalesa bugley malageedi

  5. Abdi rashiid gahnoug 12-12-2017 at 10:21 pm -

    Nio hadaanunay kooxda Chelsea naga dhalinmaayo wax goola Messi