Lionel Messi Difaac Midig Ma Noqon Karo, Khadka Dhexe Qashin Ayuu Ahaa- Jamaahiirta Barcelona Soo Bandhigay Sida Qorshaha Valverde Ee Shaxda 4-3-3 Ayna U Shaqaynayn.

Barcelona ayaa xalay guul soo laabasho cajiib ah ka soo gaadhay kooxda Real Sociedad iyada oo saddex daqiiqo gudahood ku keenatay laba gool si ay dhinaca kale ugu dhigto natiijadii ciyaarta ee ay kooxda Real Sociedad goolka ku hogaaminaysay.

Laakiin jamaahiirta kooxda Barcelona ayaa soo bandhigay sida ay uga cadhaysan yihiin qorsha Valverde ee shaxdiisa -4-3-3 waxayna sheegeen in gabi ahaanba Lionel Messi aanu haysan fursadii uu kooxda ku caawin lahaa maadaama oo uu qabanayo shaqo difaaca midig iyo khadka dhexe ah halkii uu weerarka ka ciyaari lahaa ama ka caawin lahaa.

Sawirka wax qabadkii Lionel Messi ee kulankii Real Sociedad ayaa si buuxda u muujinaya in qorshaha Valverde uu ku doonayo in uu soo celiyo shaxdii hore ee Barcelona ee 4-3-3 in ayna caawinayn Lionel Messi iyada oo qaybtii hore oo kaliya uu Messi kubbada taabtay 31 jeer laakiin hal mar kumuu taaban xerada ganaaxa Sociedad.

Sidoo kale waxay xogta iyo sawirka shaqo ee Lionel Messi uu muujinayaa in waqti badan uu ku bixiyay sidii uu kubbada dib ugu soo raacan lahaa ee uu difaaca midig u caawin lahaa isla markana ay taasi ka mashquulisay in uu shaqo fiican ka qaban karo weerarka.

Jamaahiirta kooxda Barcelona ayaa barbaraha bulshada ku soo bandhigay cadhadooda shaxda Valverde ee 4-3-3 waxayna ka dalbadeen in uu dib ugu laabto shaxdiisii xili ciyaareedkii hore ee 4-4-2 oo ahayd afar difaac ah, afar khadka dhexe ah iyo laba weerar ah oo ay Messi iyo Suarez ku wada jireen.

Waxyaabaha xusid mudan ee ay jamaahiirta Barcelona soo bandhigeen waxaa ka mid ah in soo bandhigeen sida Lionel Messo oo hadda 31 sano jir ahi aanu awood ugu yeelan karin in uu difaaca midig iyo khadka dhexe caawiyo isla markaana haddana laga sugo in uu goolal dhaliyo ama gool caawin sameeyo.

Mid ka mid ah jamaahiirta Barca oo cadhaysan ayaa soo qoray: “Messi wax walba oo uu awoodo ayuu samaynaayaa, waxaa waajib ah in kooxdi ay caawiso, waxay u muuqdaan kuwo si xad dhaaf ah caajis u ah”.

Taageere kale oo Barcelona ah oo la yaaban shaxda Valverde iyo qaabka ay Messi dhibaato ugu noqotay ayaa yidhi: “Messi waxa uu ka ciyaarayaa difaaca midig, meel ka sii danbaysa Semedo” Wuxuuna isla taageere kale oo fikirkan aaminsani uu yidhi: ” Messi difaaca midig ayuu ka ciyaarayaa si ay wax walba u dhacaan”.

Lionel Messi oo inka badan 550 gool u soo dhaliyay Barcelona ayaa u muuqda mid aan raaxo badan ku dareemayn ciyaartoyda uu Valverde ku ciyaarsiiyay shaxda 4-3-3 waxaana kulankii Real Sociedad laga dareemay in dhibaato wayni ka dhex jirto shaxdiisa.